Australia : dabeylo wata boodh oo hadheeyay gobollo badan

Dabeylo ama duufaanno xoogan oo wadata boodh ayaa hadheeyay bulshada ku dhaqan gobollo badan oo ka tirsan dalka Australia,kuwaas oo midabkii cirka ka dhigay Jaale,isla markaana kor u qaaday wallaaca laga qabo tayada hawada.

Madaxda dalkaasi ayaa maaanta soo saaray digniin ku saabsan xagga caafimaadka ee loo jeedinaayo dadka ku sugan magaalada Sydney iyo kuwo kale ee aysan soo gaadhin masiibadaasi.

Gobollo badan oo ay ku jirto koonfurta Wales ,waxaa liita muuqaalka deegaanka ee ay saameeyeen dabeylaha wada boodhka,waxaana la sheegaya in duufaantasi ay riixayaan dabeylo qallallan oo wata carro.

laga soo bilaabo bishii Agosto dhibaatada waxaa sii kordhinaya abaaro saameeyay gobollo badan sida woqooyiga ,koonfurta iyo galbeedka.

Saraakiil xaggga caafimaadka ah ayaa dadka ku boorinaya in ay joogaan guryahooda,gaar ahaan caruurta,dadka da’da ah iyo kuwa ay dhibaatadu ka heyso dhinaca neefsashada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso