Somaliland Dalkayga, Somaliland Dadkayga

Somaliland markii ayay DP World la saxeexatay heshiiska, ee ay taageertay xulafaddii Sucuudiga againt Qatar, waxaa soo muuqatay naruuro wanaagsan oo aqoonsiga Somaliland 30 raadinaysay wax ku biirin kara. Hase ahaatee, waxaa muuqata hadda inay Itoobiya doonayso inay ka baxdo heshiis kasta oo aanay qayb ka ahayn dawladda Muqdisho.

Waxaana ku xiggi doonta sida la saadaalin karo; Itoobiya oo u wareegaysa dekadaha Boosaaso, Muqdishu, Kismayo, Laamu, Mombasa, ect; oo saligeeda ka laablaabatay Somaliland iyo Berbera.

Maxaa talo ah? Somaliland oo miciinsanaysa hanjabaaddii aynu caruurnimadkii u naqaanay :Hanjabaad digaag”, oo leh maxaa la iga qaadi karaa. Masxkaxdeenu goormay gaadhi wax taranso; oo aynu ka waynaan hab fikir waxyeelo ku salaysan (Maxaa la iga qaadi karaa). KA waran haddii ay ciddiba inoo iman waydo; oo ganacsatadeenana Carabtu ku tidhaahdo haddii aanad LC (Letter of Credit) ka haysan dawlad la aqoonsan yahay, waxba kaa iibin mayno.

Waayo, maantaba Baasaboorka waxaa loo doonta Garoowe iyo Muqdisho. Maalin dhawaydna waxaan arkay nin Hargeysa jpoga oo shir kaga qayb gli lahaa Uganda, oo ay dawlada Uganda fiisihii shuruud kaga dhigtay in warqad dembi la’aan ah ka soo qaato NISA (National Intelligence Service Agency of Somalia).

Haddii ha la is dhegaysanayo, oo dhan loo wada jeedo; waxaan filayaa in la guulaysan karo. haddii kalena, aynu eegno halka ay ina geyso, MAXAA LA IGA QAADI KARAA, SOMALIALND DIID, NABADGELYADADA HA DHAAWICIN (Hadda qof yidhi sharciga lagu timamnayo ha laga daayo).

SPECIAL REPORT: Winners and losers in Horn of Africa’s regional economic integration pact – Alleastafrica

 

Ahmed Diriye

<ahmedmdiriye@yahoo.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso