Wasiirka Warfaafintu Alle Doori Afkana Waa Yaqaan Waana Ka Agnaan.

Wasiirka Warfaafintu Alle Doori Afkana Waa Yaqaan Waana Ka Agnaan.

Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Somaliland kula soo galgalato Murankii khilaaf ee qayb Ciidanka Qaranka kamid ahayd ay debadda ugu baxeen.

Ma’ aha shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato waxay iyadu rabto iyo masuuliyada ay ka soo bixiwayday inay awdaan oo daaha saaran taasi suurto gal maha mana aha Shaqada Warbaahinta. Arrinta Caarre, Xukuumadda ayay u taalay wax ka qabashadeedo xaq uguma laha Warbaahinta inay ku qabsato warbaad ka soo tabiseen. Masuuliyada Warbaahintu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba.

Waxaa la yaab leh in Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo aan waayo’aragnimo badan u lahayn dhinaca dhaqanka iyo sida loo nool yahay Somaliland uu adeegsado hanjabaada hay’adaha Sirdoonka iyo wixii xilka laha ee shacabka Somaliland hore u soo diideen, halkii uu ka gudan laha waajibaadkiisa, halka hay’adaha ammaanka ee shaqadoodu ahayd sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen ay u dardar galin la hayeen hawlaha ay Qaranka u hayaan, halkay ahayd in Madaxweynuhu xilka saaran guto oo wixii Dalka ka jira carqalado aanu dafirin ee uu damiyo kuwo adag oo horeba waynu ka soo gudubnee. Waa nasiib darro in ayku meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin xalka iyo midnimada aynu u baahanahay.

Labada Telefeeshin ee STAR-TV iyo SAAB-TV waxaan soo jeedinaya inuu Wasiirku la noqdo Dacwada iyo yeedhmada looga yeedhay hay’adda Danbi baadhista oo aan sharci u soo marin, Mr. Guribarwaaqana gartiisa dib haw akhristo..

Tusan

Muniir Axmed Cigaal

Sweden

Advertisement

Ku Xayeysiiso