Saameynta Taban ee Hogaaminta Xisbiga Kulmiye ku yeeshay Siyaasada Heer-qaran ee JSL BY Abdi Ahmed Digale

Saameynta Taban ee Hogaaminta Xisbiga Kulmiye ku yeeshay Siyaasada Heer-qaran ee JSL BY Abdi Ahmed Digale (18/11/18)

Tan iyo intii Xisbiga Kulmiye hogaaminaayey Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku fashilmay fulinta iyo horumarinta siyaasada iyo axdi-qarameedkii lagu aasaasay Somaliland,1991. Guud-ahaan Somaliland waxa ay jirtay taariikh dheer oo ku siman 27 sanadood intii ay dib ula soo noqotay madax banaanideeda mana jirto horumar muuqda oo la sameeyey, hasa yeeshee intii Xisbiga Kulmiye talladda dalka hayey waxa jira dib dhac iyo gaabis weyn oo ku yimid hanaanka dawladnimo xag dhaqale iyo mid siyaasadeedba. Intaa waxa dheer hogaaminta fadhiidka ah ee xisbiga Kulmiye tan iyo intuu talada dalka qabtay 2010, isku duubnidii bulshada reer Somaliland waxa naafaysay siyaasadii xisbiga Kulmiye ee ku salaysan qabyaalada iyo koox reereysan.

Hogaaminta Xisbiga Kulmiye ee fadhiidka ah ayaa notoqotay aafo qaran, bulshaduna may mahadin.Muddadii todobadda sanno ee Siiraanyo hogaaminaayey Somaliland waa taariikh madaw,walaw Muse Bixi oo la doortay 13/11/2017 mudo sanada hogaaminaayey dalka hadana xukumadiisu waxa ay haysaa tubtii Siiraanyo maray.

Waxba yaan indin fogeyne aan faallo kooban ka bixiyo qodobada iyo hirgalinta siyaasadii heer qarab ee Xisbiga Kulmiye ku guul-daraystay inuu fuliyo intii uu S/Land Hogaaminaayey ka dib doorashadii 26/06/2010. Guud-ahaan qaarradda Africa bulshadu kama ilbaxdo siyaasiga iyo xeeladda uu ku lunsado hantidda qaranka. Xafiisyada danta guud waa meel siyaasigu u soo shaqo tago kana hanti urursaddo.Inagana waxa inoo dheer hanaankii beelaysiga iyo qabyaalada.

Arimaha saameynta taban ku yeeshay horumarka iyo geedi socodka JSL ee ay sababtay siyaasada liidata ee Xisbiga Kulmiye ku hogaamo dalka.

Jabhadda Caare: waa markii u horeysay taariikhda Somaliland in Jabhada hubaysani dalka ka samaysanto fadhiisina ka dhigato meel ka baxsan xuduuda Somaliland.Taana waxa sabab u ah hogaanxumo iyo cadaalad daro ka dhex-jirta waaxda ciidamada

Shirka Jigjiga: waa markii u horeysay ee taariikhda JSL khilaafka beelaha reer Somaliland gogosha loo dhigo meel ka baxsan dalka.Taasna waxa sabab u ah siyaasada iyo wax-qabadkii wasaarada arihama gudaha oo fadhiida kuna fashilantay inay xaliso khilaafka beelaha reer Somaliland

Qabyaalladda: Qabyaaladii ayaa heer xun gaadhay intii Kulmiye dalka xukumaayey.Wixi ka danbeeyey doorashadii 26/06/2010 bulshada reer Somaliland waxa ku timid kala qaybsanaan iyo qabyaalad heerkii ugu xumayd gaadhay, waana ta Xisbiga Kulmiye ku soo baxay kuna curyaamiyey siyaasadii dalka ee dhexdhexaadka ayahayd.

Siyaasada Arimaha Dibedda: sideedii sano ee aynu soo dhaafnay siyaasadii arimaha dibeda ayaa hoos u dhac-weyn ku timid.Kulmiye waxa uu ka marin habaabey dhabadii looga aroorilahaa ilaha diblamaasiyadeed ee beesha caalamka.Waxa iyana saameyn xoogan ku yeelatay is-badalka siyaasadeed ee ka socda bariga Afrika.

Heshiiskii Khaatumo: Xukumadii Madaxweyne Siiraanyo waxa ay heshiis la gashay kooxda khaatumo ee Prof: Ali Khalif hogaamiyo.Hasa yeeshee wali Xisbiga Kulmiye waxa uu tahli kariwaayey fulinta heshiiskaa.Fulinta heshiiskani waxa door muhiima ka qaadanayaa kalsoonida iyo walaalaynta bulsha-weynta reer Somaliland gaar ahaan beelaha bariga JSL.

Xasaradii Ceel-afweyn: Isku dhicii beelaysnaa ee deegaanka Ceel-afweyn inbadan ayey soo noq-noqotay,mudo dheerna wey qaadatay.Sidaynu soo sheegnay waxa fashilan ama fadhiid noqotay wasaaradii arimaha gudaha.

Saami-qaybsiga: Arinta saami qaybsigu wey dheeliday.Intabada bulsha weynta reer Somaliland saluug weyn ayey ka muujiyeen habka madax-weyne Muse Bixi u qaybiyey xilalka siyaasiga ah.Intii ka danbeysay 2010 waxa xeerarkii iyo cadaaladii heer qaran, mid gobol iyo degmo dumiyey maamul xumadii Kulmiye.

Masuul digreeto xilka lagaga qaaday lana shaacin: Waa markii u horeysay hanaanka siyaasada Somaliland in masuul digreeto xilka lagaga qaaday anu madaxweynuhu shaacin.Mabay fogay xiligii Muse golaha wasiirada ku sameeyey wax uu ku sheegay isku shaan-dhay,halka dadka qaarkood ku sheegeen iska shaan-dhay.Khadar Sheekh A/lahi Sheekh Ali Jawhar, waa gudoomiye ku xigeenkii hore ee haay’ada Qaxoontiga.Masuulkaa xilka ayaa laga qaaday laakiin magaciisa lama shaacin waana arin uguba.

Gudida Doorashooyinka: Doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday Somaliland 13/11/17 aya bulsha weynta reer Somaliland ku keentay kala qayb-sanaan weyn.Gudida doorashooyinka ayaa lagu ee deeyey musuqmaasuq iyo wax isdabamarin intii doorashadu socotay.Xisbiyada mucaaradku waxa ay soo jeediyeen in labadalo gudida laakiin Kulmiye ayaa diidey waayo wey u sanburiyeen.

Waxba yuu hadalku ila durkine hada Somaliland waxa ay maraysaa marxalada tala qaran lagaga gudbikaro.

Advertisement

Ku Xayeysiiso