Khamenei: America Waxay ku Jabeen Gacanta Iran 40 sano ka hor


Hogaamiyaha kacaanka Iran, Ali Khamenei, ayaa sheegay in cunaqabateynta cusub oo Maraykanku ku soo rogay waddankiisa Isniintii isaga oo sheegay in Iran ay jabisay Mareykanka 40 sano ka hor, markii xukunkii Shaah la afgembiyay.

Khamenei ayaa Maanta Yidi: “Xaaladda u dhexeysa Maraykanka iyo Iran waxa ay socotay muddo 40 sano ah, cadowguna wuxuu bilaabay dagaalo millatari, dhaqaale iyo warbaahin, laakiin waxba ma gaadhin.”

Waxaanu intaa ku daray “Muddo afartan sano ah America ayaa ahayd ta guuldaraystay halka Iran ay ahayd guul.

Khamenei ayaa erayadiisa u daliishaday: Caddaynta guuldarada Maraykanku waa in ay markasta bilawdo weerarka, laakiin ma gaadho mid ka mid ah ujeedooyinkeeda.

Waxanu ku tilmaamay Ujeedada Maraykanku u leeyahay dhaqdhaqaaqa kasta ee ku wajahan Tehran, waa in ay dib ugu soo celiso xukunka Iran sida uu ahaa xilligii Nidaamkii Shaah, laakiin way ku guuldaraysatay inay sidaa yeesho.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso