SHEEKO GAABAN. Maxamed Maxamud  Axmed  ( Arts )

Bacda salaam.
bari waxa la yidhi nin reer baadiye ah ayaa baabuur soo iibsaday. Ninkasi habeenka aanu dayax jirin muu kaxayn jirin baabuurka . wayo ? wuxuu aaminsanaa hadii uu indhaha gaadhiga shido in ay shidaalka Ka isticmaalayaan.

Maalin maalmaha kamida ayuu baaburkii wadada kala baxay isagoo kalidii wata, kadibna geed ayaa qabtay oo wax dhib ahi ma soo gaadhin.
waa  lasoo qaaday oo dhakhtar ayaa la dhigay si jugta soo gaadhay looga dabiibo.

Lkn waxa yaab ku noqotay dadkii soo booqday’ jawaabta u siinayay qofka ku yidhaa “ISKA WARAN”…
oo Wuxuu ugu jawaabayay ..” I  DAAYA   KOOMO   AYAN   KU   JIRAAYE”……

Yaab… oo dadku marka ay Koomo galaan miyay Jawaabi karaan, waliba iyaga oo hanjabaya.

Waxan uga Socdaa. 
Ex Wasiir Xirsi sida uu isaguba Qirtay isaga oo Reer baadiye ah ayuu siyaasada soo galay.
intii uu wasiirka ahaa wuxuu lamid ahaa ninkaa aan baaburka habeenkii kaxayn jirin ee indha gaadhiga uga baqayay inay shidaalka ka cunan.

Aaakhirkiina Xirsi Buug ayuu Qoray oo Bulshadii ayuu isku soo jeediyay  qofkii Su’aal ka waydiiya Buugiisa , Jawaab Kulul ayuu ka bixinayaa.
markaa Bulshada waxan odhan lahaa Xirsi koomo ayu ku jiraayee ha la daayo.

 

Wa bilaahi tawfiiq.

Maxamed Maxamud  Axmed  ( Arts )
maxamedarts1@gmail.com 
+ 252 63 4466498
+252 65 9875050
Gabiley Somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso