Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dalkaasi Somalia oo soo gabagabaysay aqoon iswaydaarsi ku saabsan Dib-u-eegista dastuurka oo ay u qabatay qaybaha bulshada


Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa maanta Muqdisho ku soo xirtay aqoon iswaydaarsi ku sabsan dib-u-eegista dastuurka oo ay la qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Aqoon iswaydaarsigan oo socday muddo 11 maalin ah (20 – 31 Octoobar, 2018) waxaa ka qayb galay hay’adihii ku guulaystay fulinta barnaamijyada waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada ee arrimaha dastuurka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka kala yimid gobolada dalka.

Inta uu socday aqoon iswaydaarsiga waxaa laga dooday islamarkaana la falanqeeyay sida ugu wanaagsan ee bulshada soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa loona bari lahaa dastuurka si sare loogu qaado wacyiga dadka ee ku aadan dastuurka.

Hay’adihii ku guulaysta fulinta barnaamijyada wacyigalinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha oo kala ahaa IIDA-oo ku guulaysatay Bulshada Rayidka, Talo-wadaag iyo PUNSAA – haweenka, IFIYE iyo Somali Youth Vision (SYV)-dhallinyarada, Horn Connect- Ololaha Wacyigalinta Warbaahinta iyo Somali Media Production Center oo ku guulaystay soo saarista video Documentary –ga ayaa soo bandhigay hababka ay u fuulinayaan barnaamijyada wacyi galinta ee dastuurka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray aqoon iswaydaarsiga ayaa kula dardaarmay hay’adaha ku guulaysatay fulinta barnaamijyada wacyigalinta dastuurka in ay si wanaagsan u fuliyaan howsha loo xilsaaray si waafaqsan istaraatiijiyadda wacyigalinta ee Wasaaradda Dastuurku diyaarisay.

“Waxaa la idinka doonayaa in aad gaarsiisaan farriinta wacyigalinta dastuurka dadka soomaaaliyeed meel kasta oo ay joogaan si dadka soomaaliyeed ay u bartaan dastuurkooda, idinkoo adeegsanaya wadiiqooyinka ku haboon ee loo mari karo dadka si loo gaaro sida in aad adeegsataan Tv-yada, Raadiyayaasha iyo in aad u qabataan kulamo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xuseen.

Wasaaradda Dastuurka ayaa bilaabaysa qorshe lagu wacygalinayo qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan qaybaha bulshada si qof kasta uu u fahmo muhiimadda dastuurku uu leeyahay islamarkaana uu u ogaado waajibaadka saran iyo xuquuqda uu siinayo dastuurka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso