Gabay Nabadeed Ku Socda Beelaha Gobolka Sool Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan”Haldeeq”

Gabaygan la yidhaahdo (QALIN NABAADDIINO) waxa curiyay  Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan”Haldeeq” 23.10.2018 Hargeysa, waa gabay nabadeed uu u dirayo beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhex maray deegaanka koofureed ee Gobolka Sool, waa Gabay waano tusaalayn iyo duco isugu jira, wuxu ku bilaabmay sidan:-

Haddaan arartu qiiriyo lahayn, qooddi iyo maan gal

Qasti iyo ujeeddiyo haddaan, gabaygu qoon taaban

Ama qodob anfaaciya lahayn, nolosha qaameeye

Qasif dunida qodax iyo ragaad, sun iyo qoof reebye

Qawl wacan lillaahida murtidu, way ka qoran taaye

Qalbigii damqanayaan hinqaday, qayladaa timiye

Qiirada qammuunyaan dibnaha, qawda ku hayaaye

Qaman-dhacada maan ledin illaa, xalay qarmaajoowe

Qajeelaa abwaan midu qaddimay, kuu quraaradaye

Anna qayday qaadaa-dhiggeed, qaafka maansada e

Inuu qaaddir qawlka caafimaad, qaran shifaw saaro

Bal inay qisoodaan tix kale, jeer aan kula quusto

Qabuul oo Siciidoow guddoon, qaalla bixinteeda 

Qiire-qiire adduunkaa galaye, qalin dhamaadkiiya

Waw qardabo qasaariyo dadkay, qaylo joogto ahe

Qadyaan baan ka joogaa tollaay, soo qalladan waaye

Waa quruun iblays iyo malcuun, dhibayo qaandhuuse

Qawsar aan xishoonayn Rabbina, dib uga qoofaynin

Oo qori holcaayiyo ku raran, cudur qabiilaysan

Oo qabyaalad diintiisu tahay, xeerna qaban waayay

Oo qurbaawi xoolaha ku daray, dib u qadaad taabtay

Ayaa Qarafka gaastii sudhoo, mariyey qayraane

Alla qabay waakaa qarraqay, nolosha qayb wayne

Qayrkeed maxay dhinac degtaa, qaararkaa go’ane!!!

Afartaa qaraarkii murtida, qun iyo liishaan dheh

Qodkii Iidle qisadii Mukhtaar, qodobadii Boobe

Qasiidadii Batuun iyo Abwaan, qalin qorkiisii dheh

Qajeelaa abwaan midu qaddimay, kuu quraaradaye

Anna qayday qaadaa-dhiggeed, qaafka maansada e

Inuu qaaddir qawlka caafimaad, qaran shifaw saaro

Bal inay qisoodaan tix kale, jeer aan kula quusto

Bal aan qubanta maansada ku dayo, qiil u soo baxa e

Quluubtiyo dareenkii midaa, qaran ka beermaaye

Qoys waliba hadduu qoyska kale,  qalo haldoorkiisa

Qayuurkooda haddii aano hebel, qaanso ugu miidho

Qaan-gaadh ma yeeshee qarqoosh, qaawan baa kaca e

Qudh muslina qofkii soo jaraa, qoon dhan buu rogaye

Qormo nabadi taalluu shidaa, qaxar ka oogaaye

Qaraabiyo xigaal baa is naca, qoysas wada yiille

Waa qasaare qoys iyo qabiil, qudh iyo reerkeede

Qabrigiyo qiyaamaha danbana, qaanyo waa olole

Mid qof dilay qudhiisaa ku filan, qaan bax nololeede

Iska qabo  mid qaatila dad kale, haw qisaasina e

Qardoofadaan tirsanayaa ka badan, qaanka geedaha e

Ehel kala qalooday iyo asxaab, rixinki qaamawye

Maantana qaylaa cusube, qarankan dhiillaysan

Inta qoys agoomoowday iyo, qadayda yeedhaysa

Qaansada iyo leebkiyo warmaha, qaawan iyo maydku

Waa qaran jab yaal iyo dadnimo, qaaftay meel ba’ase

Waa qabar dadkaygiyo ku dhacay, qoonu leeyahaye

Qoob-saar qalloocaa ma sedo, duul qallaafa lehe

Qaynuun li’I quruun baan midnimo, guul ku qaabbiline

Qulux iyo adhaan daasad iyo, qaaqis baranayne

Bal qiyaasa intaad wiil qalladan, iilka qabadsiisay

Nasrigaaga kama quusan karo, ruux ku qirayaaye

Kuma qado baryada ruux qastiga, qaaddirow yidhiye

Culimada quraankiyo digriga, qaariyada diinta

Qaran baa gurmadayoo haldoor, qiimalaa tegaye

Qabarkiyo masiibadan adaan, kaa qabsanaynaaye

Xinjiraa qulqulayiyo Rabboow, dhiigan qubanaaya

Qasaaraha intaa taal ku qaboo, qiiqan kacay suuli

Rabboow qalin nabaaddiino iyo, samo ku soo qawlal

Nabad qun ugu waartiyo Rabboow, qodob heshiis raaci

Madar lagu qaboobiyo Alloow, qalin ku liibaani

Quluubtooda Allahayoow labeen, qabaw ku saysaami

Neecaw qushuucliyo  iyo kalgacal, qubayso reexaani

Qunbbe  subaga Eebboow ku qabo, qoomihiyo eelka

Qalbigooda Allahayoow ku beer, qabi walaaleeye

Waa qariirad doonniya wataa, qayb dhulkaan dego e

Allahayoow qarkaa iyo qarkaa, nabad ku soo qoofal

Ku quwee Allahayoow Ergada, Qawlsan iyo saaddiq

Qaneecada islaamkaa ibaray, qiriyo tawxiide

Mid qadhqadhaya ilmada ruux, quboo qalanqalyoonaa

Qalbi bebaya qalfoof tiicayiyo, dibin qammuunyaysan

Qof kurbanaya Addoon qaawan baad, ceeb ka qarisaaye

Waaxidul qahaar baad tahay iyo, qani la tuugaaye

Quwaddaadu adigay dhan tahay, lama qiyaasaane

Xaaladaha qarqoonka ah markay, qulunqulshaa  gaadho

Qawi la cuskadaa baad tahay Rabbiga, qaada baahida e

Qafuura raxiim baad tahay Allaha, quudsha noolaha e

Magacaaga wayn baan qabsadee, lagu qaboobaaye

Kor u qaaday gacmaha qaawaniyo, qawl baryootana e

Allahayoow baryada haygu qadin, qaaddir baad tahaye.

Dhammaad

Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”

Hargeysa Somaliland

Haldeeq1@gmail.com

0634194095

Advertisement

Ku Xayeysiiso