Waqooyiga Kuuriya oo haysta $ 3.3 trillion Khayraadka Dhulka Hoostiisa ku jira

Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu qiyaasaa Hantida uu leeyahay ee ku jirta dhulka hoostiisa $ 3.3 trillion taas oo ka badan 15 jeer ta South Korea.

Shirkadda Kuuriya ee Mineral Resources (KRC) ayaa warisay in Pyongyang ay saxiixday 40 heshiis oo ku saabsan maal-galinta hantidaas, iyada oo shirkado badan oo shisheeye ah la saxeexatay.

Waqooyiga Kuuriya waxay leedahay 6 bilyan oo tan oo ah magnesium carbonate, 2 milyan oo ton oo graphite ah iyo 250,000 tan oo ah “tungsten”, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Pyongyang waxay horey u saxiixday 40 heshiis oo ku saabsan soo saarista khayraadka dhulka hoostiisa ku jira, shirkadahaas boqolkiiba 90 waa Shiine.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso