Maduro Madaxweynaha Venezuela Maraykanka ayaa isku dayay inuu i dilo


Madaxwaynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku eedeeyay Maraykanka in ay ka dambeeyeen isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo oo ka dhacay magaalada Caracas 5-tii August.

“Waxaany dunida oo dhan u sheegayaa in isku day dilkayga ay ka danbayso dawlada Bogota ee Aqalka Cad, oo doonaya in ay i dilaan,” Maduro ayaa u sheegay telefishanka qaranka dalkiisa.

Bishii Agoosto 5, Maduro ayaa ka badbaaday weerar lagu soo xidhay diyaarad waxyaabaha qarxa intii ay soctay munaasabad milatari caasimadda, Caracas.

Maduro ayaa sheegay in dhacdadan kadib markii qaar ka mida kuwii ku lugta lahaa isku dayga dilka la xidhay, iyagoo ku eedeeyay kooxaha midig ee Venezuela iyo garabka midig ee reer Colombia oo uu hoggaaminayo Manuel Santos oo ka danbeeyay weerarka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso