Ciidamada Amaanka Masaarida oo Xidhay Wiilka ugu Yar Caruurta Madaxweynihii hore ee Masar Mursi

Ciidamada amniga ee Masar ayaa maanta oo Arbaca ah qabtay wiilka ugu yar caruurta madaxweynahii hore ee Masar Maxamed Mursi iyaga oo ku eedeeyay in uu ku biiray koox la mamnuucay islamarkaana daabacay war been ah.

Sida laga soo xigtay ilo amniga iyo garsoorka ayaa u sheegay Agence France-Presse in Abdullah Morsi la xidhay subaxdii maanta waxaana baadhitaan ku sameeynaya xeer ilaalinta guud.

Ahmed Mohammed Morsi, oo ah wiilkii ugu weyn caruurta madaxweynihii hore ee xilka laga qaaday ahna afhayeenka qoyskiisa ayaa boggiisa gaarka ah ee Facebook-ga ku qoray in la xidhay walaalkii ka yar.

Abdullah Mohammed Mursi waa ilmaha ugu yar shanta carruur ah ee Mursi mana ah markii ugu horeysay ee la xidho ilmo uu dhalay madaxweynihii hore, walaalkiis Osama ayaa la xidhay dhamaadkii 2016-ka isagoo lagu eedeeyay “hurin colaad” isla markaana weli ku jira xabsiga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso