Sucuudiga : Maxkamadd ku xukuntay 6,000 jeedal iyo 80 sanno oo xabsi ah koox ku xadgudubtay Askari nabadgalayada Wadooyinka ka tirsan

Maxkamadda Dambiyada ee Jeddah ayaa ku xukuntay wadar ahaan 80 sano oo xabsi ah iyo Lix kun oo jeedal koox ku lug lahayd weerar loo geystay askari ka tirsan ciiidanka amaanka gaar kuwa nabadgelyada wadooyinka, kooxdan ayaa ka soo kala jeeda saddex reer Chad ah , iyo laba Yemeniyiin ah mid Sucuudi ah iyo mid Nigerian ah.

Eedeysanaha koowaad ayaa lagu xukumay 18 sano, halka laba kale lagu xukumay 16-sano oo Xabsi ah iyo eedaysanaha afaraad ilaa 15 sano, halka 3 eedaysane lagu xukumay 5 sano, sanad walbana lagu karbaashayo Boqol jeedal oo la socda xukunkooda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso