Bilayska Faransiiska oo baadhaya agaasimaha Interpol oo la waayay!


Bilayska Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday Jimciha maanta inay fureen baadhitaan ka dib markii ay warqad ka heleen xaaska agaasimaha Ururka Caalamiga ah ee Bilayska Dambiyada (Interpol) taas oo ku saabsan in la waayay ninkeeda, Ming Hongkai.

Sida laga soo xigtay ilo amaan, xaasa Hongkie, ayaa ku nool Lyon, halkaas oo ah Xarunta Booliska Caalamiga ee Dambiyada (Interpol) ayaa la xidhiidhay Booliska ka dib markii ayna wax war ah kala helin iyo xidhiidh toona ninkeeda tan iyo markii uu u safray China dhammaadkii Sebtembar.

Hongkai waa siyaasi Shiinees ah waxaanu kar soo noqday wasiir kuxigeenka amniga guud ee Shiinaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso