Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Bahrain: Waxaan rajeyneynaa in Qatar ay ku soo noqon doonto sida Saxda ah


Wasiirka arrimaha dibadda ee Bahrain, Shaikh Khalid bin Ahmed Al Khalifa ayaa sheegay in Manama rajeynayo in Qatar ay ku laaban doonto dariiqa saxada ah isla markaana xaqiijiso wanaag iyo in ay caddeeyaan dadaalkeeda ah inay noqoto xubin wanaagsan oo gobolka ka mid ah.

Al-Khalifa ayaa yidhi: “Weerarrada Qadar ayaa ah qaar soo noqnoqday taariikhda deriskooda, oo ay ku jiraan Bahrain 1937-kii iyo 1986-kii, iyo Sacuudi Carabiya 1992-kii,” waxaanu sheegay in waddankiisu uu si caqligal ah ula macaamilay dhacdooyinkaa.

Waxa uu ugu yeedhay wasiirka reer Bahrain, Qatar in ay ka jawaabto dalabka boqortooyada Bahrain, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyada Carabta ee Masar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso