Yaa Ku Faa’iidaya Is-dhexgalka Dhaqaale ee Geeska Africa W/Q Cabdiwahab Cali Mux’ed-Garad

Yaa Ku Faa’iidaya Is-dhexgalka Dhaqaale ee Geeska Africa
W/Q Cabdiwahab Cali Mux’ed-Garad

Ethiopia qorshaheeda Bariga Geeska Africa ee furfurnaanta (regional integration), qorshaha Somalida waxay u muuqataa mid bedeshay jihadi hore bedeshay
Maadaama dhaqaalahoodu kobcay isla markaana dadkeedu aad u badan yahay waxa Abiy Ahmed u arkaa in ay si wanagsan uga faaiidaysan karaan isdhexgal dhaqaale oo lala yeesho wadamada jaarka
Haddii is dhexgalkaasi noqdo mid sareeya sida Common Market ama Customs Union, waxay ku libin qabaya Ethiopia marka la barbar dhigo wadamada Somalia, Somaliland, Djibouti iyo South Sudan
Waxa dhisan shariikadaha ganacsiga ee Ethiopia, Hayadaha Dawladda, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xirfadda iyo aqoonta dadkeeda marka loo eego wadamada kale badankooda.
Sidaa daraadeed Somalidu inkastoo ay ka faaiidaysan karto is dhexgalka dhaqaale oo geeska Africa ah haddana waqti xaadirkan kuma haboona maadaama aanay isku miisaanayn laba waddan oo Somalidu u baahantahay waqti ay awoodeeda dhaqaale iyo private sectorkeeda, kaabayaasha dhaqaalaha iyo hayadaha dawladda ku xoojiso.
Waqtigan waxa Somalida (Somaliland iyo Somalia ba) aad u anfacaya heshiis dhaqaale oo ah nooca Free Trade Area, kaas oo ah in labada waddan ba badeecooyin isku dhoofiyaan. Kaas oo Soomaalidu ka faaiidaysan karaan suuqa weyn ee Ethiopia.
Haddi ay dhacdo sida Ethiopia damacsan tahay ee heshiis dhaqaale oo heer sare ah kaas oo keenaya in badeecooyinka iyo dadkuba isu furmaan waxay keeni kartaa in shirkadaha Soomaalidu aanay la tartami Karin dhigooda Ethiopia taasina keento in kuwa Soomaalidu ku hagaasaan oo suuqa laga saaro, dad ahaana ay Ethiopian ku fursado ka helaan Soomaalida dhexdeeda laakiin aanay Soomaalidu waxba u dhigma oo fursado shaqo ah ka helin Ethiopia gudaheeda.

Abdiwahab Ali M. Garad
E-mail: abdiwahabgarad@yahoo.com Tell 063-4404586

Advertisement

Ku Xayeysiiso