Waa maxay Herbalife? abdifatah Abdikarim

Waa Maxay #Herbalife? 

Waan hubaa oo kolay wakhti badan uma haysid in aad akhrisato maqaal dheer. Waxaan se kaa codsanayaa in aad wakhtigaaga  in yar ka soo jarto si aad u ogaato  xaqiiqooyinka ku gadaaman dhibaatooyinka nafeed iyo maal ee ay sababto isticmaalka ama u adeegidda sharoobada ama powderta Herbalife iyo waliba hab ganacsiyeedka aan hoos kugu bari doonno.

Herbalife waa shirkad dhab ah oo jirta. Waxa ay ku taallaa wadanka maraykanka oo waxa ay leedahay shaqaale, hanti ma guurto ah, madax maamul iyo lacag raasamaal ah oo balaayiin doollar kor u dhaaftay. Intaa haddii aynu isla qaadanay, waa maxay hadaba sababta aqoonyahanno iyo Culimo badani uga digayaan ku biiridda iyo isticmaalka sharoobooyinka caagadaha ku jira ee ay shirkadani suuqa dhex wareejinayso?

Herbalife waxa ay isticmaashaa hab suuqeedka loo yaqaano Jiif oo jaq (Multi Level Marketing MLM). Habkani waxa uu yahay, shirkaddu waxa ay u baahantahay  shaqaale aan si toos ah shirkadda uga tirsanayn oo aan haysanin wax heshiis shaqo ah (employment Contract), balse soo xareeya macaamiil iyo dakhli labadaba. Shirkadaha habkan ku shaqeeyaa meelnaba kuma laha tukaan ama xarun toos ah oo la shaqaysa macaamiisha(Direct Customer service).

Si hadaba aad ugu biirto ganacsiga noocan ah, waa in aad hoos tagtaa qof kale oo shirkadan ka hoos shaqeeya( waa halka ay ka bilaabmayso is guumaysiga shaqaalaha aan tooska ahayn ee shaari shaarida ah) qofkaa aad hoostagtay waxa uu kugula talinayaa in aad marka ugu horaysa bixiso lacagtii aad xubinnimada kaga noqonaysay shirkada. Labadan hab ee hoose ayaa ugu caansan in aad lacag ka  hesho habka JIIF OO JAQDA(MLM)
1. in aad lacag ka hesho waxa aad adigu shakhsiyan u iibsato oo iibsigaaga dambe laguu sameeyo qiimo dhimis si aad adiguna wax u dulsaaran karto marka aad sii iibinayso.(The first stream of compensation can be paid out from commissions of sales made by the participants directly to their own retail customers.)
2. Iyo in aad lacag ka hesho qof aad adigu keentay oo isaguna keenay dad badan oo wax iibsaday.(The second stream of compensation can be paid out from commissions based on the sales made by other distributors below the participant who had recruited those other participants into the MLM). Waxaad  cunaysaa qofka boqlaad ee silsiladda ku xidhan xaqiisa. Waana xaaraan diin ahaan. 

Dhammaan dadka aad adigu keentay waa shaqaalahaagii oo adiga ayay markasta ku hoos joogayaan, wax allaale iyo wixii ay faaiidaanna wax baad ku leedahay ilaa ay gaadhaan heer aan si fudud loo gaadhin oo ku salaysan in qofkani uu shirkadda lacag fara badan iyo shaqaale fara badan soo galiyo si uu uga hoos baxo kii isaga keenay ee damiinka ka ahaa. Hadda waxa ay bilaabeen in dadka aan dad kale keeni karin  ee raba in ay darajo sare hellaan lagu yidhaahdo iibsada darajooyin. taasina ma suurtowdo oo haddii aanad dad keenin percentage kaagu hoos ayuu u dhacayaa. Waxa ay kala leeyihiin  qaab kala sarayn ah oo aan u bixiyey darajooyinka guumaysiga oo kala ah kan ugu hooseeya illaa kan ugu sareeya.
1.distributor
2.Coach
3.supervisor
4.qualified producer
5.world team
6.president.
midiba midka uu ka sareeyo ayuu ku hoos nool yahay. 
Silsiladaa isku daba taxan waxa loo yaqaan luuqadda suuqa MLM down line Distributors (shaari shaari)

Arintu sidaas uma fududa in lacag iyo dad lagu sameeyo ee waa in aad adiguna noloshaada badashaa oo aad samaysaa talaabooyinkan hoos ku xusan ee indho sarcaadka ah. 
1. Waa in aad isticmaasho luuqad habdhaceedu aad isugu dhaw yahay marka aad rabto in aad macaamiil soo tashkiiliso. 
2. waa in aad soo iibsato ama soo kiraysato gaadhi qurux badan si aad dadka cusub u khaldi karto oo ay u yidhaah daan qofkani  waxa uu gaadhay isku filnaansho dhaqaale( financial self sufficiency). 
3. waa in aad soo iibsato ama soo kiraysato dhar qaali ah oo Brand u badan 
4. waa in aad badsato xayaysiinta shaqsiga ah tusaale ahaan waa in aad Social media mid walba aad account ku yeellato oo aad sawiro iyo videos soo galiso adiga oo dadka isaga dhiggaaya in aad barwaaqo ku nooshahay.
5. Qodobka ugu muhiimsan waxa weeye, in aad dadka Herbalife ugu sheegto mid ay miisaankooda ku dhimi karaan ama ku kordhin karaan! Si aad u hannan karto labada qayboodba kuwa buurbuuran iyo kuwa dhuudhuubanba
6. Waa in aad dadka ku tidhaahdo waxaan bedelayaa noloshiina oo dhan ee iga faaiidaysta hadii kalena waligiin horumar gaadhi maysaan.
7. Waa in target kaagu dumarka noqdo. Waayo haddii  xaaskaaga la tashkiiliyo way adag tahay sida caagadaha sharoobada guriga looga saaro.
8. Raadso dadka aan waxba baran een waxba hubsan iyaga ayaa ka dhiiran kuwa wax bartay ee ka fikira inta aanay qaadan. 

Herbalife iyo dhammaan shirkadaha ku shaqeeya hab ganacsiga noocan ah MLM ee JIIF OO JAQ  waa laga mamnuucay wadamada aduunka qaar badan oo ka mid ah sida dalwaynaha shiinaha. Sababta oo ah dhammaan waxa uu qofku shaqeeyo waxaa ka faaiidaaya oo jiif oo jaq ku jira qofkii meesha i keenay oo ay suuirto gal tahay in aanaan is aqooninba. mana fududa in aan ka hoos baxo.

Xidhiidh ma ka dhaxeeya sharoobooyinka Herbalife iyo Caafimaadkayga?

Haddii aynu si  run ah u  eegno haa, waayo herbalife dadka ay soo dirato waxa ay ku hoos galinayaa ganacsigaa ay wataan in ay ku yidhaahdaan dhammaan iska jooji waxa lagu naaxo. Tusaale ahaan waxa lagu odhanayaa subaxii cab koob sharoobada herbalife ah oo ha cunin wax roodhi ama laxoox ah. Duhurkiina waxaa lagu odhanayaa waxaad ku qadaysaa saladh iyo kaluun shaaha herbalife na cab jiimkana tag(GYM).
Sirtu waa halkan haddii aad fahantay. Cuntadaadii ayaa wax laga badalay goordhowna waxaa lagu odhanayaa waxaa ku caawisay herbalife ee orodoo dad kale doon. Herbalife ma ay bedelin noloshaada ee adiga ayaa badalay markii aad yaraysay cuntadii Fat ka iyo Carbohydrate ka lahayd.

Herbalife xanuun ma laga qaadi karaa?

Haa 100%! cuntada ay herbalife iibiso waa cunto warshad lagu walaaqay oo lagu sameeyey waxa loo yaqaan dhalan gedis(genetic modification) waxay sababi kartaa xanuunnada beerka ku dhaca. sida ay dhakhaatiir badan ku qortay jaraaidka World Journal of Hepatology .

Soomaaliya iyo Herbalife:

Herbalife soomaliya iyo wadama badan oo africaan ah  lagama helo, sababta oo ah hab ganacsiga jiif oo jaq suurta gal kama noqon karo wadamadaas maadaama oo aanay jirin hab dawladeed oo tayo leh. Shirkadda fadhigeedu waa maraykan waxa ay u baahantahay hab stable logistic ah oo caagadahaa dadka lagu gaadhsiiyo taasina ma fududa in la gaadhsiiyo africa. Waad ogtahay akhriste oo geeska africa xataa warqada posta caadiga ah si fudud uma gaadho. Tan labaadna waxa ay tahay dadkan isku wada dulnool sidii lacagtooda loogu kala diri lahaa ma fududa marka uu qofku joogo africa oo inta badan Bank accountku ku yaryahay. Waxaase jirra kuwo Herbalife la Mid ah oo soomaliya la geeyey tusaale ahaan Tiens Group oo hadda ka socota gebi ahaanba dalkeennii hooyo. 

Herbalife iyo Soomaalida qurbaha?

Herbalife waxay ka bilaabantay marka soomaalida dhexdeeda laga hadlaayo wadanka ingiriiska. Dad badan baa lagu dhacay, dad badan baa shaqadoodii uga tagay oo ay hadana u socon wayday. Sida caadada u ah ganacsigan jiif oo jaq ma ku waaro meeshii la geeyo. Kaliya waxa ay socotaa inta dadku aanay fahmin oo kali ah.

Laga soo bilaabo 2011-2014 soomaalida yurub waa ay ka nasatay hab ganacsiga jiif oo jaq ee #Herbalife iyo kuwa kale ee la mid ka ah. Markii soomaalidu ku soo badatay wadamada  #Austria iyo  #Jarmalka ayaa dhalin yaro aan aqoon badan u lahayn dhibaatada ay bulshadooda gaadhsiinayaan  soo qaateen aragtidan xagjir nimada ah ee jiif oo jaq Herbalife. Dad badan ayaa ku yaacay oo intooda badani 99% aanay fahansanynba waxa ay ka shaqaynayaan waxa uu yahay oo u haystay in ay dadka caafimaad ugu yeedhayaan oo aan laba socon in iyaga laftooda laga adeegganaayo.

Herbalife waxaa inta badan lagu khaldaa dumarka soomliyeed iyo inta badan ba dumarka dunida sadexaad ha u badnaadeen wadamada ameerikada koonfureed sida mexico iyo brazil.

Haddii aad rabto in aad ogaato in waxa aad caafimaadka ka heshay yahay herbalife iyo in kale. Mudo hal bil ah tijaabi naftaada oo subaxiina ku quraaco cunto carbohydrate yar leh , duhurkiina saladh cun orodka iyo jiimkana tag. Haddii aad isbedel dareento, dadkaaga ka wacyi geli sunta sharoobada ee looga dhigay caafimaad iyada oo lacag laga cunaayo.

Sida aan kor ku soo xusay, shirkadaha sidan u shaqeeya maaha Herbalife oo kaliya ee waa shirkadaha astaamahan leh ee ka digtoonow.
1. Ma rabtaa in aad lacag shaqaysato adigoo sariirtaada hurda.
2. Waxaan ku shaqayn jiray intaas hadana waxaa isoo gala kumanaan kun oo doolar
3. xanuunno ayaan ka dawoobay waxan aan iibinaayo awgii
4. dad kale soo ururi
5. si fiican u labiso 
6. siminaar baan leenahay
7. safar baan u baxayaa
8. Coach baan kuu ahay 
9. #Herbalife dumar aan waligood uur qaadin baa qaaday!
10.Congratulations soo dhaweeya walaasheen ama walalkeen oo noloshiisa badalay guulna gaadhay.

Waxa ay u dhaqmaan sidii shabakad isku xidhan oo kii soo gallaba waa loo sacbinayaa sidii qof soo islaamay oo kale.
Qof aan aqoon hore oo dugsi ama jaamacadeed lahayn ayay u badan yihiin dadka ganacsiga noocan ah loo dhiibto.

Walaahi waanigaa dhaartee, laga soo bilaabo sanadkii 2007 illaa Maanta kolba mid shirkad jiif oo jaq la ordaaya oo maqiiqan, rabana in uu indho la’aan igu marsiiyo ayaa ii imanaayey oo lahaa kooj(tababarre) aan kuu noqdo. Waxaan ugu jawaabaa kuwa hore ha igu darinne 3 sano ka dib ha inoo ahaato. Inta badan 3 sano ka dib waa ay baaba’aan, oo way is cunnaan.

Qoladani waxa ay la mid yihiin siyaasiga wata mashruuc dibadeed ee raba in uu dadkiisa baabi’iyo. Dadkaaga khayaanno, tuugonimo iyo cudur u dhoofi adiga oo shilimaan ku badelanaaya damiir xumo ka weyn ma jirto.

Dhalinyarada waxan loo soo dhiibaayo ee 24/h facebook live fadhida bulshadooda ha u tudhaan oo yaan dadka cudur iyo tuugo laga iibin.

Diinta iyo Herbalife.

Culimo la waydiiyey waa ay xaaraantinimeeyeen ka ganacsiga Herbalife  si toos ah. Waxa aan xagga hoose kuugu soo lifaaqay video sheekh umal oo si toos ah u xaaraantinimaynaaya isticmaalka ganacsiga Jiif oo jaq (MLM). Waa ribbada nooc ka mid ah maadaama oo aad cunayso waxa uu shaqaystay qofkaad sanad ka hor keentay. 

Shirkadaha #Herbalife la midka ah ee ku shaqeeya Jiif oo Jaq(MLM) waa kuwan qaar ka. Mid ahi.

5Linx
ACN Inc
AdvoCar
Agel Enterprises
Ambit Energy
Amsoil
Amway
Amway Global, previously known as Quixtar
Avon Products
Beachbody
BioPerformance
Discovery Toys
doTerra
Forever Living Products
FreeLife
Fuel Freedom International
FundAmerica
Herbalife
Isagenix International
Juice Plus
Kleeneze
LegalShield, previously known as Pre-Paid Legal Services
LifeVantage
The Longaberger Company
LuLaRoe
Mannatech
Market America
Mary Kay
Medifast
Melaleuca
Morinda Bioactives
National Safety Associates
Nature’s Sunshine Products
Neal’s Yard Remedies Organic
Neways
Nu Skin Enterprises
Omnilife
OneCoin
Oriflame
The Pampered Chef
Tiens Group 
Primerica
Qnet, previously known as QuestNet, GoldQuest, and QI Limited
Rodan + Fields
Reliv
Scentsy
Shaklee
Stream Energy
Success University
Sunrider
Tastefully Simple
Telecom Plus
USANA Health Sciences
Vector Marketing
Vemma
ViSalus
Wakaya Perfection
Watkins Incorporated
World Financial Group
XanGo
Young Living
YTB International

Fadlan Share dheh qoraalkan haddii aad ka heshay.

Waad u fasaxantahay qorraalkan in aad sii faafiso, website ku qorto buug ku daabbacdo. 

Qoraaga: Cabdifataax Axmed Cabdikaliil.
Email: kaliil10@outlook.com

xigasho:  1.World Journal of Hepatology
2.Wikipedia 
4. iamgregwilliams website 
5. focus Nachrichtendiesnt

Advertisement

Ku Xayeysiiso