Qaylada ku furantay  Qaranka Somaliland !

Qaylada ku furantay  Qaranka Somaliland !

Marka hore Jamhuuriyada Somaliland way ka soo gudubtay Xiligii goroyo-khaakhlaynta iyo Isku dirka shacbiga ee Siyaasiyiin dhagaraysani fidno ka dhex abuuri jireen, Shacbiga reer Somaliland waxay si fiican u ogsoon yihiin Taariikhihii Dhiigga iyo Dhagarta lahaa ee soo maray, waxaanay xasuusan yihiin Caadifadihii shaydaaniga ahaa ee ku danaysiga ahaa ee dadka masaakiinta ah ee reer Somaliland madaxa la isugu sudhay xilliyo hore si macno-darro ah, taasoo ay noloshooda ku waayeen kumanaan Muwaadin, kumanaan kalena ku dhaawacmeen, Hanti aad u badanina ay ku burburtay. 

Shacbiga reer Somaliland ee Geesiyaasha ahi cidna ka dhagaysan maayaan inay u tumaan Durbaano Qabiil iyo Caadifado dhagaraysan oo ay hore usoo arkeen xanuunkeeda. 

Dhinaca Xukuumada waxaa la gudboon oo ku Waajib ah,  in si Xikmadi ku jirto ay uga hawl-gasho uguna dhaqaaqdo wax ka qabashada wixii Tabasho iyo Cadaalad darro ah ee jira. Madaxweynaha  iyo Xukuumadiisa  waxaa Ummada reer Somaliland ay ka sugayaan  inay si dhakhso ah u Waajahaan, waxna uga  qabtaan Tabashooyinka xaqiiqda ku salaysan ee loo soo jeedinayo, tabashooyinkaas oo badankoodu ah qaar aan dhegaha laga furaysan karin,   waxaana  ku Waajib ah Madaxweynaha inuu  Xal u  helo inta aanay Xeedho iyo Fandhaal kala dhicin ee aanay arrimiha imika taagani sii durkin, Shacbiguna aanuu  sii kala fogaan.

Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay Muxaafid iyo Mucaarid kuu doono ha noqdee waxaa ku Waajib ah in dhakhso loo joojiyo hadalada dhiifta iyo dhiilada xambaarsan ee Warbaahinta iyo Baraha bulshada la isu marinayo. 

Qof kasta oo Somaliland u dhashay waa inuu Xusuusto oo uu dib u jalleeco dariiqii dheeraa ee dhibta badnaa ee aynu usoo marnay Xorriyada, Nabada iyo Dawladnimada aynu maanta haysano.

Waxaana loo baahan yahay in Xukuumad iyo Shacbiba laga hawl galo Xallinta khilaaf kasta oo jira si aanay u lumin himiladii Shacbiga Reer Somaliland iyo higsigii dheeraa ee ay Ummada reer Somaliland lahayd.

Somaliland waxaa soo maray duruufo aad u qadhaadh iyo Marxalado culus oo wajiyo badan lahaa, waxaanay kaga soo gudubtay isku duubni, iskaashi, Walaalnimo, Isu-dulqaadasho, isu tanaasul iyo Danta Ummada oo wax kasta laga horreysiiyo. 

Somaliland ha Guulaysto

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed 
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga, Qorshaynta iyo Arrimaha Debada ee  Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso