Meheradaha Dadka Ajaanibka Ah Ee Soweto Oo La Bartil-Maameedsaday….

(Toggaherernews)-Meheradaha Dadka Ajaanibka Ah Ee Soweto Oo La Bartil-Maameedsaday….

Saddex qof ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika intii ay socdeen rabshado arbacadii dalkaasi ka dhacay oo lagu bartilmaameedsaday ganacsi ay lahaayeen dad ajaanib ah oo ku sugnaa magaalada Soweto, sida ay Booliisku sheegeen.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dhaawacay magaalada Soweto.

Dadka wax bililiqaystay ayaa ka qaatay alaabo fara badan dukaamo ay lahaayeen dad ajaanib ah oo kuyaal magaalooyinka Soweto, iyo Johannesburg, 29-kii August 2018.

Dukaamadii ajaanibta ayaa la bililiqaystay, waxaana kamid ah dukaankaan oo uu lahaa nin Itoobiyaan ah.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso