Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Ayaa Si Kulul U Naqdiyey Dagaalkaasi Ka Soo Cusboonaaday Dalkaasi Itoobiya..

(Toggaherernews)-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Ayaa Si Kulul U Naqdiyey Dagaalkaasi Ka Soo Cusboonaaday Dalkaasi Itoobiya..

Siyaasi isaaciil Hurre Buubaa oo maanta warbaahin ugu waraaayey magaalada hargeysa ayaa ka hadlay qalalaasaha ka so cusboonaaday dalkaasi itoobiya iyo waxa la gudboon somaliland,Siyaasi Buubaa Oo Arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Runtii ahaanta arrimahan maanta ka taagan dowlad goboleedka somaalida itoobiya ama kililka shanaad waa arrimo aad iyo aad u muhiim ah oo somaliland aad iyo aad u taabanaya oo somalia xoog u taabanaya ,itoobiyana si weyn u saameynaysa jiritaankeeda iyo horumarkeedaba  arrintaasi in dhinacyo badan lai ska taagao ayaa loo baahan yahay horta kolka hore itoobiya aanta siyaasad cusub oo raysal wasaaraha cusub soo jeediyey ayaa jirta Arrintuna isbadalkaasi itoobiya ka dhacay ayaad  moodaa in ay si weyn ugu lug leedahay oo maamulkii kililka shanaad iyo siyaasada guud ee uu soo jeediyey raysal wasaaruhu aad moodaa in aanay si wanaagsan iskula jaanqaadin arrintaasi waxay u baahan tahay si dagan in loo galo ,arrintaasi waxaa kale oo sii qasaya waxa weeyaan dadka oromada oo ah dadka ugu faro badan itoobiya oo raysal wasaaruhu uu ka soo jeedo iyo dadka soomaalidu in ay leeyihiin xuduud dheer oo itoobiya xuduudka soomaalidu la leedahay waa oromada xuduudadaasi waxaa ka taagnaa isqabqabsi iyo iyo dhul la isku haystaa waa jireen ,arrintaasi qas ka dhex aas aasmay oromada iyo soomaalida waa jireen ,sida aynu ogsoonahay itobiya iyo geeska afrikaba haddii loo fiirsado labo qooiyadood sida ay u dhaqmaan iyo arrimahan ka taagan geska afrika iyo siday udhaqmaan mandaqaduba aad iyo aad ayey u saamaynaysaa .

Itoobiya waynu ogsoonahoo oramadu waa qoomiyada ugu balaadhan geeska afrika iyoitoobiyaba qoomiyadaasi qoomiyada ay ladagtaa ee ay jaarka yihiin waa soomaalida siad aynu ogsoonahayna geeska afrika labadaa qooiyada somalida iyo qoomiyada oromada dhowr wax ayey wadaagaan waxaanay wadaagaan oromadu waa cida ugu balaadhan dal ahaan soomaaliduna kolka aad u fiirsato waa dal ahaan marka la isku wado qaado waa dhulka ugu balaadhan ee ay qooiyadi leedahay ,labadaasi qoomiyadood waxay in baan ku jireen duli iyo dhibaato siyaasadeed ayaa haystaywaxaad kolkaasi moodaa maanta in dhibaatooyinka taagani ay salka ku hayaan waqtigaasi dheer e labadaasi qoomiyadood oo labaduba oo ay noqdaan midna ugu dal balaadhan tahay midna ugu dad badan tahay in ay noqdaan cidii hogaamin lahayd uddo dheer oo boqolaal sanno ah hogaanka geeska afrika khaasatan itoobiya aanay ku jirin ,tasi waxay ku reebtay qoomiyadahaasi cuqdad iyo in cid walbaaba tirsanayso in la duudsiyey dabadeedna ay labadoodii madaxa isla galeen   .

Tan ugu horeysa ee loo baahan yahay in wax laga qabtaa waxa weeyaan labada qoomiyadood sidii loo dajin lahaa dad walaalo ah in ay yihiin dad badidoodu wado uslim ah in ay yihiin dadkaasi haddii geeska afrika uu hore umarana faaiidada ugu weyn helaya haddii ay dhibaato ka dhacdana dhibaatada ugu badani ay ku dhacaysaa ay tahay labadaasi qoomiyadood ,waxaana loo baahan yahay oo khaasatan ay somaliland u baahan tahay siyaasada ay ku dhawaaqday ee ah dhibaatada labadaasi qooiyadood ku dhacaysa aanay noqon wax somaliland saameeya oo qoomiyada oromada la soo dhaweeyo oo loo sheego in ay dad walaalahood ah in ay la joogaan sidaasi aawadeedna lagula taliyo in laga dhaliyo labadaasi qoomiyadood walaaltinimo iyo is afgarad,nabad iyo wado jir in siyaasada ay ku galaan).

Advertisement

Ku Xayeysiiso