Muuse Biixi Aragtida Taladda Dalka “Qaybtii 2aad” Ganacsatada Waaweyn

Muuse Biixi Aragtida Taladda Dalka “Qaybtii 2aad” Ganacsatada Waaweyn

Somaliland Waxay Leedahay Ganacsato Waaweyn “Nimiriyo” iyo Shacab Badan Oo Tabaalaysan Iyo Kobac Dad Oo Xawli Ku Socda, Madaxwenaha Oo Doonaaya Xanjadii Isku Hayn Lahayd Labadaa Dabaqadood Iyo Kor u Qaadida Tiirarka Dawladnimo

 

Ganacsatadu Waaweyni Waa Niman Faa’iido Doon ah Oo Hibo u Leh Baayac-Mushtarka Oo Dal Baahan Oo Xor ah Helay “Siyaasi La Xisaabtama Jirin” Arinkaa Wuu Fahamsan Yahay M/Muuse Biixi “Tixgalin”

 

Ganacsatada Waaweyni Waa Niman Si Wal Oo Ay Cashuur Uga Baxasn Karaan Sameeya Sadaqo iyo Zako Iyo Deeqo Cashuuro Badan Oo Ku Waajibta Dhaaf Hadalkeeda “Xaga Ganacsata Dunida Uga Waaweyni 75% Ilaa 95% Hantidooda Ugu Deeqaan Dadkooda Iyo Dalkooda”

Arinkana Wuu Fahamsan Yahay M/Muuse Biixi “Ku Dhiiranaanta Wuxu Ka Doorbiday Fahansiin Waxa Lagu Leedahay iyo Waxay Leeyihiin”

 

Waxaa Se Dhib ah Ganacsato Ka Jaahil ah Siyaasada Hadana Xildhibaano Iyaga Danahooda Matala Soo Saaraaya Iyo Weliba Xubno Xisbiyada Ugu Sareeya “Qaranimada Waa Ku lid”

 

Waxaan Ka Xumahay In Shirkadaha Qaarkood Iyadoo Waxaasoo Dhami Ku Maqan Yihiin Hadana Hadana WARBAAHIN Danahooda Keliya Eegaaya Samayta 
“Wadajirka iyo Wixii La Soo Dhisay Waa Wiiqid”

 

Waxaad Ogaataan Maalinta Bulshada Qayb Ka Mid Ahi Baraarugto Ogaato In Xoolahoogii “Boobteen” Aad Weliba Colaad Dhex Dhigaysaan In Cidhib Xumo Iman Karto

Shaxda Muuse Biixi La Ciyaarayaa Waa Siday Xeegana Xeego u Noqon Lahayd Ilkana u Nabad Gali Lahaayeen.

 

Maxamed Xoosh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso