Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa : Israel waa in ay sii daysaa Caruurta Falastiin

Hay’adda Xuquuqul insaanka Qaramada midoobay ayaa sheegtay in Israel sii dayso Caruurta Reer Falastiin ee ay xidheen ama ay xukumeen dhamaantood.

Sidaa Waxa ka sheegay Zayd Xuseen mar ay shir lahaayeen Jimciyada Quruumuhu shirkaas oo ay ku naaqishayeen Xuquuqul Insaanka Falastiin.

Waxayna intaa ku dareen in ilaa 440 Caruur reer Falastiin ahi u xidhan yihiin Israel.

Masuul Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa sheegay in boqaal caruur Falastiiniyiin ahi ay xidheen Israel kuwaas oo aan wax eedeyn ah loo soo jeedin sida xeerka uu dhigayo meel ka dhacna ku ah Xuquuqul insaanka.

Waxaanu intaa raaciyey in sharciga caalamiga ahi dhigaayo in aan la xidhin caruurta ilaa xalka u dambeeya uu ka noqodo, waxaana ku waajib ah Israel in ay ixtiraamto Qaanuunka Caalamiga ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso