Dublamaasiyiin Maraykan ah oo uga Digay Wasiirka Khaarajiga Maraykanka Pompeo Dadka Muhaajiriinta

Dublamaasiyiin Maraykana oo hore iyo Kow iyo Toban Hay’addo Samafal ayaa Warqad ay ugu digayaan Wasiirka Dibada Maraykanka Mike Pompeo u diray taas oo ay ku sheegeen baabiinta xafiis muhiim ah ee Qaxoontiga ay noqon doonto khalad xun.

Diblomaasiyiinta iyo la taliyayaashii hore ee amniga qaranka lana soo shaqeeyay Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa sheegay in tirtirista xafiiska Laajiyiinta iyo Muhaajiriinta BRM ay saameyn doonto awoodda Mareykanka ee ku aaddan saameynta siyaasadda qaxootiga ee caalamka.

Warqadan ayaa imanaysa sanad ka dib digniin ay bixiyeen 58 khabiir oo Maraykan ah u gudbiyeen Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Rex Tillerson oo isla talaabadan oo kale qaaday.

Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa difaacay siyaasadiisa adadag ee u ka qaatay Muhaajiriinta iyo waliba mamnuucida muwaadiniinta dalal muslim ahi in ay dalkiisa soo galaan.

Saxiixayaasha waxaa ka mid ah William Burns, xoghayaha hore ee arrimaha siyaasadda, iyo Ryan Crocker, oo ah danjirihii hore ee Mareykanka ee Afghanistan, Ciraaq iyo Suuriya.

Xaga Haya’ddaha waxa ka mid ah Saxiixayaasha warqada David Miliband, guddoomiyaha Guddiga Caalamiga ah ee Samatabbixinta, iyo Eric Schwartz, oo madax ka ah Ururka Qaxootiga Caalamiga ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso