Degdeg-Gudoomiyihii Ololaha Doorashada Madaxtooyada U Qaabilsanaa Xisbiga Wadani Gobolka Maroodijex Ayaa Gabi Ahaantiiba iska casilay xilkii Uu ka Hayey xisbigaasi.  

(ToggahererNews)-Gudoomiyihii Ololaha Doorashada Madaxtooyada u Qaabilsanaa Xisbiga Wadani Gobolka Marodijex Ayaa Gabi Ahaantiiba iska casilay xilkii Uu ka Hayey xisbigaasi….

Gudoomiyaha Ololaha Doorsahada madaxtinimadaxisbigaasi wadani oo Arrintaasika hadlaaya ayaa yidhi:

 (Anigoo ah cabdirisaaq ismaaciil maxamed kuna magac (dheera Kildhi) ahaana Gudoomiyihii ololaha Doorashada madaxtinimada Gobolaka m/jeex ee xisbigaasi wadani ,iyadoo uu xilkaasi ahaa mid ku meel gaadh ah laakiinse waxaan warbaahinta u hor imid in aan shaaciyo in aan xobin nimadii xisbigaasi iska casilay oo aan uga mahadcilinaayo mudadii aanu soo wado shaqaynay dhammaan masuuliyiinta xisbigaasi ilaa Gudoomiayaha,mana aha siyaasadu xagxagasho ee waa sharaf iyo qurux weeyaan .
Waxaanan iskaga casilay sababo iigaar ah aniga asxaabtana waxaa loo galaa in kursi lagu fuulo halka aan ku biirayo iyo meesha aan tagi doono dib ayaan ka soo sheegi doonaa)>

Advertisement

Ku Xayeysiiso