“Madaxweyne Hargeysa Waxay u Baahantahay Laba Maareeye”Sidaasi Waxaa Yidhi Bulshada Ku Nool Xaafada Axmed Dhagax…

(Toggaerer)-“Madaxweyne Hargeysa Waxay u Baahantahay Laba Maareeye”Sidaasi Waxaa Yidhi Bulshada Ku Nool Xaafada Axmed Dhagax…

Dadweynaha ku dhaqanka xaafada Axmed dhagax ayaa sida fiinta uga qayliyey Biyo La-aan soo foor saartay ,waxaanay fariin u direen Madaxweyne M/ Biixi,Hooyooyin xaafadaasi ku dhaqan oo  arrintaasi ka hadlaaya ayaa waxay yidhaahdeen:

(Waxaanu ka cabanaynaa biyo la-aan xaafadan axmed dhagax way biyo laadahay oo way dulman tahay ,markaasi axaanu aad u doonaynaa in biyaha la noo sameeyo.

Waxaanu ka soo jeednaa xaafadan axmed dhagax madaxwynaha jamhuuriyada somaliland oo aan salaamayo md-Muuse Biixi cabdi waxaan leeyahay biyo la-aan xun ayaa na haysata waxaan leeyahay maareeyaha Biyaha magaalada hargeysa xukumaana muu dhammaystirin shaqadiisii waxaanan u malaynayaa in caasimadan somaliland u baahan tahay in maareeye labaad la sameeyo, Biyo balaadhintii aad balanqaadka ololaha aad ku gashay waxba kumanaan arkin oo waxba idin kama hayno waxaana foostada biyaha ah nalaga siiyaa labaatan kun oo biyo ma helno saaxadihii biyuhuna waa wado kharaab oo wax biyo ah oo soo dhacaa ma jiraan oo lacagtan waa la qoraa markaasi maareeye waxaan kaa codsanaynaa in biyo balaadhinta aad nagu darto ileen xaq ayaanu u leenahayemadaxweynahana muuse biixi cabdi haddii aanu awoodaynin maareeyahan qudhi inhargeysa biyaha ado gaadhsiiyo in magaalada maareeye kale loo sameeyo oo hoos loo eego xaafadan axmed dhagax ooah xooga qudha ee kulmiye soo saara .

Biyo la-aan ayaa nahaysata oo waxaanu nahay xaafada axmed dhagax maareyaha hadda nahaysta kii horaa waxtar dhaamay oo aanu biyo heli jirnay laakiin hadda bisha dhan waxaanu isticmaalnaa lixdan ilaa toddobaatan Dollar ayaanu isticmaalnaa waxaanu nahay xaafad aan biyo helin ,carruurtayaduna way caw cawlan yihiin oo dhas ayaaba dilay dhibaatadaasi ayaa na soo food saartay ,mudane madaxweyne waxaanu ku leenahay mar labaad noo naxariiso oo aanu biyo helno maareyahn wakaalada joogana biyo kama helno kii horaaba dhaamay oo aanu ka heli jirnay .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso