Guddiga Baarlamaanka Somalia ee Arrimaha Diinta oo ka digey in sanadkan Soomaalida aysan gudan waajibaadka Xajka

Guddiga Baarlamaanka dalkaasi Somalia u qaabilsan Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ka digey in sanadkan ay xujayda Soomaaliyeed ay awoodi waayaan inay gutaan waajibaadka gudashada Xajka sababo la xidhiidha shirkadaha  diyaaradaha ee daabula xujayda oo muran ka taagan yahay.

Qoraal uu guddigan u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa  waxaa ay ku sheegeen in wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay la wareegtay sanadkan arrimaha maamulka xajka.

Guddigan ayaa waxa ay sheegeen in labo shirkadood oo tan iyo burburkii xukuumadi hore ee Siyad Barre maamulaysay arrimaha xajka haatan lagu soo kordhiyay shirkado kale oo aan ruqsad ka heysan boqortoyada Sacudi Carabiya isla markaana haysan  diyaarado tegi kar Sacudi Carabiya.

Ugu dambeyn guddiga ayaa waxa  ay  ku baaqeen in xukuumada si dhaqso ah wax uga  qabato arrimaha  horyaal gudashada xajka oo haddii aan wax laga qaban suurtogal ka dhigeysa in dadka Soomaaliyeed  aysan awood u helin inay gutaan waajibaadka  Xajka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso