Qaraxyo Gilgilay Wasaaradaha Gudaha iyo Amaanka Maamulka Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goordhowayd laga maqlay inta badan Magaalada Xamar.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in laba qarax oo is xigxigay laga maqlay dhanka wadada Makka Al Mukarrama oo ay kuyaal inta badan xarumaha ay ku shaqeeyaan wasaaradaha Maamulka Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyadu ka dhaceen meel ku dhow isgoyska Sayidka oo ay kuyaallaan xarumaha wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ammaanka ayna maqlayaan jugta qaraxyo is xigxiga iyo rasaas xooggan oo lays waydaarsanyo.

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxda Alshabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda howlgal ay ku sheegtay mid isugu jira mid naf hurnimo iyo mid toos ah oo ka socda badhtamaha magaalada Muqdisho.

Geesta kale wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad sugidu ay gudaha u galeen xarumaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga oo ay weerareen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamada Nabad sugida ayaa gudaha u galay inta badan dhismaha xarunta Oto Oto ay degan yihiin Wasaaradaha la weeraray, waxa ayna ciidamada soo bad baadiyeen masuuliyiin iyo shaqaale badan oo go’doon ku jiray.

Qaar kamid ah Shaqaalaha wasaraadaha la weeraray ayaa la sheegay in uu soo gaadhay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana shaqaalaha qaarkood la sheegay in dabaqyada iska soo tuureen.

Sarkaal katirsan Laamaha amaanka ayaa sheegay in la dilay inta badan ragii hubeesnaa ee weerarka geestay, waxa uuna sheegay sarkaalkani in uu hada gabo gabo ku dhaw yahay howlgalka weerarka lagu soo afjarayo.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xarumaha Wasaaada Arimaha Gudaha io Amniga waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay shacab , ciidan iyo dad u shaqeeya dowlada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso