Saddex dhaawac ah Ka dib rasaas ka dhacday Sweden iyo sababta oo aan la garanayn

Saddex Ruux ayaa ku dhaawacmay ka dib rasaas ka dhacday magaaalada Orebro ee sweden oo dhacda 200 Km Caasimada Stockholm sida ay u sheegeen Bilaysku saxaafada.

Booliska ayaa sheegay in saddexda dhaawaca ah loo qaaday cusbitaalka laba ka mid ahina waa da’da 20 sanno jirka halka ka sadexaadna aan la sheegin.

Laba ka mid ah dhaawacoodu waa culus yahay halka ka kalena fudud yahay booliska ayaa intaa raaciyey in laba ka mid ah ay garanayaan.

Booliska ayaa sheegay in macluumaadka rasaasta dhacday ay heleen saacadu markay ahayd 19:00 GMT ilaa iyo haddana aanay cid u hayn dhacdadan iyo sababta ka danbaysaba.

Geesta Kale Boolisku muu cadayn in ay noqon karto fal argagaxiso.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso