Daawo: Raiisulwasaare Dr abiyi Ahmed ayaa booqasho ugu tagay cusbitaalada zawdhitu iyo diqur anbesa dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay qaraxii

WAR DAG DAG AH

Raiisulwasaare Dr abiyi Ahmed ayaa booqasho ugu
tagay cusbitaalada zawdhitu iyo diqur anbesa dadkii
waxyeeladu kasoo gaadhay qaraxii  ka
dhacay fagaaraha masqal oo ay iskugu soo baxeen


malaayiin qof oo taageersan waxqabadka raiisul
wasaaraha ee mudada kooban .87 qof ayay
dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen,booliiskuna
waxa uu gacanta kusoo dhigay dad looga shikisan
yahay inay ku lug lahaayeen qaraxa.inkastoo falkani
yahay mid fulaynimo ah oo dad dareenkooga
ucabirayay hogaamiyahooda lala eegtay hadana ma
aha mid wax udhimaya midnimada waayadan
dambe soo xoogaysanaysa markaa waxaan
leenahay kala qaybin waxba kuma roonee isku
geynta ayaan macno ku yeelan karnaa xaaladkastoo
lagu jiraba. Abdi Mohamoud Omar Ahmed Shuun

Advertisement

Ku Xayeysiiso