Koobka Adduunka: Uruguay oo Hal iyo Eber ku dirtay Kooxda Faraacinada Masar

 

 

Kooxda Xulka Uruguay ayaa Daqiiqadihii u dambayasay Naqaska ku celisay Kooxda Xulka Masar ka dib markii Ciyaaryahanka Uruguay José Maria Jiménez uu gool u saxeexay Xulkiisa daqiiqadii 90aad.

Waana Guushii Koowaad ee Xulka Uruguay ciyaar furitaan uu ku guuleysto taas oo dhacday xiligii 1970 kii.

Kooxda Faraaciinta ayaa muujiyey Ciyaar wanaagsan xili uu ka maqan yahay Ciyaaryahankooda Maxamed Saalax kaas oo uu diiday tababarihiisa Argenitine ga ahi Hector Cooper inuu ku khamaaro, Goolahaya kooxda Faraacinada Maxamed Al-Shanwi ayaa kubado badan oo khatar ah ka badbaadiyey Kooxda kuwaas ahaa isku dayo ay sameeyeen Edison Cavani iy Luis Suarez.

Group A ayaa hore Ruushku 5 Gool iyo Eber ku dardaray waxaanu haystaa 3 Dhibcood ,halka Uruguay iyana Masar ku dirtay Hal iyo Eber.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso