Goolhaya Xulka Masar oo Loo Aqoonsaday Ciyaaryahankii Maanta Ee Ciyaartii dhex martay labada xul ee Masar iyo Uruguay


Goolhayaha reer Masar Maxamed Al-Shennawi ayaa ku guuleystay inuu noqdo Ciyaaryahankii Maanta ee Garoonka, ciyaartii Dhex martay Labada Xul ee Masar iyo Uruguay Ciyaarta labaad ee Koobka Aduunka 2018.

Al-Shennawi ayaa dhowr jeer kubado halis ah oo ay daadihinayeen labada ciyaaryahan ee Luis Suarez iyo Edison Cavani ka badbaadiyey Shabaqiisa, Ka hor inta aan Jimenez u saxeexin Goolka guusha xulkiisa daqiiqadii 90aad.

Warqabadka Toggaherer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso