Qoraaga Weyn Ee Boobe Yuusuf Ducaale Oo Soo Dhaweeyey Kootada Haweenka Iyo Beelaha La Hayb Sooco

(Toggaherer)-Boobe Yuusuf Ducaale Oo Soo Dhaweeyey Kootada Haweenka Iyo Beelaha La Haybsooco

Boobe yuusuf ducaale Oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa idhi:

(kootadii haweenka iyo beelaha la hayb sooco ee golaha wasiirada somaliland maalintii dhawayd meelmariyeen amba go-aamiyeen marka ugu horaysa aan ku hambalyeeyo xukuumada iyo madaxweynaha mudane muuse talaabadaa ay xagga horumarka u qaadeen iyo wanaaga somaliland.

MarĀ  labaadka waxaan jeclahay anigoo shalay uun daabacay maqaaldheeraa oo ku saabsanaa xildhibaanad caasha oomaar warsame oo ahayd xildhibaankii ugu horeeyey ee dumar ah ee soomaaliyeed e cod dadweyne ku soo baxa waxaanan doonaaye in aan aragtidayda aan idinla wadaago ku saabsan arrintan.

Ummadi haddii ay geed tahay oo ay horumar geedi u tahay waxaa fiican in ay sunsato halka ay ka timid iyo halka ay taagan tahay si ay u ogato halka ay ku socoto oo maanta waxaynu ka hadlaynaa in kooto la siiyo haweenka iyo beelaha la haybsooco 1960kii bishii febraury 28keedii waxaa magaaadan hargesa lagu doortay Maxamed Biixi shuuriye naxariistii jano allle ha siiyee oo ka tirsanaa beelaha la haybsooco oo xisbiga snl ayuu ka soo baxay markii la dooranaayey ee la xulanaaey ee la sharaxaayey xisbigu u jedadiisu may ahayn beelaha laga tiro badan yahay wax sii laakiinse qofnimada maxamed biixi shuuriye in uu musharax noqdo xisbigaa dooraty oo halkii laga sharaxaayey xisbigaa .

Halka aynu ka nimid waa halkaas halka aynu nimidna waxaa weeyaan meel ay asxaabtu awood caykaas ah lahan oo anu isla baryeyno oo aynu kashakisan nahay kootadaa aynu siinay haweenka iyo beelaha la hayb sooco in ay soconayso iyo in kaleba.

Madaxweynaha somaliland waxaanu marti uga nahay in aanay noqon soo jeedin la soo jeediyey in haweenka iyo beelaha lahayb sooco kooto la siiyo laakiinse inta marxaladood ee taban ee ay maraysaba in uu kala gudo oo uu kala talaabsado wax kastoo wadanka ka dhaca madaxweynaha la dooranaayo xisbi ayaa soo dhiga oo sharaxa haddii baarlamaan la keenaayo haddii gole deegaan la keenaayo haddii dowlad la dhisayo asxabaateenu xaalada ay ku sugan tahay ajandaheena ka gaaban waxa weeyaan kootadaa haweenka yo beelaha la hayb sooco la dabaalano oo ka gudbino misciriiraha horyaala ee labada ah ee sida looga gudbaa ay adag tahay .

Mabnaamijkeena labaad ee asxaabta maanta jirtaa sidii ay u digo rogan lahay waxan ay yhiin iyo qaabka ay u shaqeeyaan iyo noocan ay yihiin xeerbaana jiray asxaabat lagu dhisay markiiay ururada ahayeen waana xeerkadiwaangalinta asxaabta iyo ururada) .

Advertisement

Ku Xayeysiiso