Venezuella waxay u dabaaldagi doontaa ka bixitaankeeda Ururka Dawladaha Ameerika

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay in 27-ka Abriil 2019 loo tixgelin doono maalin fasax qaran iyo fasax rasmi ah oo dalka ah dabaal-dega ka bixitaanka ururka Dawladaha Ameerika.

Bishii April 2017, Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay in Venezuela ka baxday Ururka Wadamada Ameerika, waxaanu ku baaqay in si dhakhso ah looga baxo, inkasta oo geedi socodkani uu soconayo muddo laba sano ah, wuxuu ballan-qaaday inuu qabanqaabiyo munaasabado iyo isu soo baxayo waddooyinka ah.

5 June 2018, Ururka Wadamada Ameerika wuxuu go’aan ka gaadhay in la laalo Xubinimada Venezuela taas oo ay soo gudbisay dawlada Mareykanka,sidoo kale Ururka ayaa diiday in uu aqoonsado natiijooyinka doorashadii madaxweynenimada ee dhowaan Maduro ku guuleystay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso