Ankara oo ka jawaabtay caydhinta Austria ee 60 Imaam iyo Xidhida 7 Masaajid


Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in go’aanka Xukuumada Austria ay ku xidheen todoba masjid oo dalkaasi ku yaala islamarkaana lagu tarxiilayo daraasiin iimaamyo ah ay tahay arrin murugo ah ayna tahay cadaawad loo hayo Islaamka Ujeedaduna tahay in lagu helo faa’iido siyaasadeed.

“Xidhitaanka 7 masjid oo ku yaala Austria eryida iyo tarxiilka imaamyada waxay ku salaysan tahay mabda’a been abuurka ah waa mid ka mid ah natiijooyinka mowqifka cunsuriyada ee ka soo horjeedka Islaamka,” ayuu afhayeenka madaxyooyada Turkiga Ibraahim Kalan ku sheegay hadal uu soo saaray maanta oo Jimce ah.

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta Austria ay bartilmaameedsanayaan nidaamkan in ay ku guulaystaan helitaanka siyaasadeed iyaga oo ka saaraya Jaaliyadaha Muslimiinta. ayuu raaciyey Afhayeenku.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso