Madaxwaynaha Afganistaan Oo ku dhawaaqay Xabad joojin hal dhinac ah


Madaxwaynaha Afganistan Mohammad Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin hal dhinac ah ay la galayso Daliban intii lagu jiro Ciidul Fitriga.

“Dawladda Jamhuuriyadda Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso Dagaalka 27-ka bisha Ramadaan (11-ka Juun) ilaa maalintii shanaad ee Ciidda Fitriga (Juun 19-keedii), ka dib go’aanka taariikhiga ah ee culimaa’udiinka Afgaanistaan ah,” ayuu madaxwaynaha Afqaanistaan ku qoray boggiisa twitter-ka ee Maanta oo Khamiis ah.

“Xabbad-joojintu waa fursad loogu talagalay Daaliban-ka Afqaanistaan si ay u falanqeeyaan xaaladda oo ay xaqiijiso in ololaheeda rabshadu aanay ku guuleysanayn qalbiga Muuminiinta, laakiin waxa ay ka dhigeysaa kuwo ka sii fog,” ayuu yidhi.

“Markaan ku dhawaaqno xabbad-joojin, waxaan ku tusaynaa awoodda dawladda Afgaanistaan iyo rabitaanka dadka si ay u gaadhaan xal nabadeed khilaafka Afgaanistaan,” ayuu yidhi Maxamed Ghani.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso