Koobigii (Ciyaaryahan aad ugu Eeg) Maxamed Saalax oo lagu arkay Dalka Ciraaq

Xuseen Cali Kadim oo 20 sano jir ah ayaa ka soo muuqday wadooyinka Baqdaad , meheradaha qaxwaha iyo kubada cagta, sidaas darteed taageerayaal ayaa ku soo ururay isaga si ay sawiro Selfie ah isula galaan sababtoo ah waxa uu u eeg yahay Ciyaaryahanka reer Masar ee Kooxda Liverpool Maxamed Saalax.

Xuseen Cali Kadim ayaa sidoo kale kubadda cagta ka ciyaaraya koox maxalli ah oo ku taal Baqdaad.

Waxa uu u sheegay AFP inuu soo iibsaday funaanad asal ah oo la mid ah tan uu Maxamed Saalax ugu ciyaaro Kooxda Liverpool isaga oo ka soo iibsaday “iibiye ruqsad haysta” oo Ciraaq ah kagana iibsaday Adduun dhan “$40”.

Warqabdka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso