Itoobiya Oo ogolaatay in ay hirgaliso Heshiiskii Algiers, Go’aanka Komishanka Xuduudaha Ethio-Eritrea

Addis Ababa, June 6, 2018 (ToggaHerer) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay wadahadal ay lagasho Ereteria oo dagaal waqti dheer qaatay uu ku dhaxmaray xuduuda labada dal. 

War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska R/wasaaraha Itoobiya Dr Abeey Axmed ayaa lagu sheegay in ay baaq nabadeed u dirayaan dowladda Eereteria si loosoo gaba gabeeyo colaadda daba dheeratay ee labada dal u dhaxaysa.

Fitsum Arega oo ah madaxa xafiiska R/wasaaraha Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Cusub ee Addis Ababa ay wax ka bedelayso siyaasaddii ay kula dhaqmi jirtay dariskeeda ayna gacan walaalnimo iyo deresnimo u dirayso Asmara.

“Itoobiya iyo Eritrea waxay leeyihiin xidhiidh soo jireen taariikhi ah waxaana ugu muhiimsan dhanka dhaqanka iyo dhiigga. Dhibaatada labada dhinac kasoo gaadhay colaadda waa wax aan laqiyaasi karin geeddi socodka nabaddu waa la bakhtiiyay taas waa in ay isbedeshaa, oo hadda Itoobiya waxay ku baaqeysaa wadahadal dhab ah” sidaas waxaa yidhi Fitsum Arega.

Labada dowladood ayay dagaallo ka dhax qarxeen sanadihii 1998 iyo 2000 waxaana dagaalka ku dhintay Kumanaan kun oo askari.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso