Boqol iyo Sideetan Maxbuus oo ka Baxsaday Xabsi ku yaal Nigeria


Wasiirka Arrimaha Gudaha Nigeria Abdul Rahman Danbazo ayaa sheegay in ugu yaraan 180 maxbuus ay ka baxsadeen xabsi ku yaal magaalada caasimadda ah ee gobolka Mena ee badhtamaa Nigeria.

Wargeyska maxalliga ah “Daily Post” ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay soo xidhaan 30 ka mid ah 180-kii baxsaday ayna ku soo celiyeen xabsiga.

Guddoomiyaha Gobolka Sani Belo ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono xukuumadda federaalka si loo hagaajiyo xabsiyada “waxna looga qabto kaabayaasha dhammaan xabsiyada gobolka.

Masuuliyiinta degaanka ayaa baadhaya sababta baxsiga maxaabiista.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso