Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka : Joogitaanka millatari South Kuuriya maaha mid qayb ka ah wada hadalada Pyongyang


Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka James Mathes ayaa sheegay in madaxweynaha Donald Trump uusan kala hadli doonin hoos u dhigista joogitaanka ciidan ee Kuuriyada Koonfureed shirwaynaha soo socda ee uu la yeelan dono Kim Jong-un 12-ka June.

“Dood kasta oo ku saabsan joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Koonfurta Kuuriya … waa wadahadal kaliya oo u dhexeeya Maraykanka iyo Kuuriya-da Koonfureed,” ayuu Mattis ku sheegay shir ammaanka ku saabsan oo ka dhacay Singapore, wadaxaajoodka mana noqon doono mid diiradda lagu saaro doodda Pyong Yang. ”

Kulanka Trump iyo Kim Jong-un ayaa la filayaa in la qabto 12-ka June kulankaas oo ka dhacaya dalka Singapore.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso