Ramos Oo Helaya Fariimo loogu Hanjabaayo Dil iyo Bilayska oo Badhitaan Wada !!!

Kabtanka Kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa helay fariimo hanjabaado oo gaadhsiisan ilaa dil ka dib intii uu u geystay dhaawaaca Mohammed Salah xiddiga Liverpool, intii lagu jiray kulankii finalka Champions League, sida ay Qortay Bogga “COPE”.

Ramos iyo qoyskiisuba waxay heleen fariimo iyo hanjabaado loogu soo dirayay telefoonadooda dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, taasoo ku qasabtay daafaca reer Spain iyo qoyskiisa inay bedelaan lambarada telefoonadooda.

Barta Warka soo Warisay ayaa sheegtay in bilayska la ogeysiiyay arrinka oo imika baadhitaan ku sameeynayo.

Salah ayaa ku dhaawacmay finalkii Champions League, iyadoo ciyaarti ku dhamaatay 3-1 ku badiyeen Real Madrid ka dib markii Ramos dhaawacay Ciyaaryahan Saalax ayaa la filayaa inuu ciyaaraha ka maqnaan doonaa seddex isbuuc.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso