Hindi Kiristaan ah oo Masaajid ka Dhisay UAE iyo Sababta uu u dhisay ? Gudaha Ka Akhri :

Ganacsade Hindi-Christian ku nool Imaaraadka Carabta ayaa dhisey masaajid u suuragelinaya shaqaalaha muslimiinta in ay ku tukadaan meel u dhow guriyahooda iyaga oo aan isticmaalin taksiyada.

Ka hor bilawga bisha Ramadaan ee sanadkaan, Saji ayaa go’aansaday in uu dhiso masaajid cusub xaafad caan ah, ka dib markii uu arkay in shaqaalaha muslimiinta ay raacaan taksiyada mar kasta oo ay doonayaan inay soo tukadaan.

Masjidka waxaa laga dhisay Fujairah, kaas oo ku kacay Adduun dhan $ 354,000, taas oo ninkaasi si buuxda uga bixiyey hantidiisa. Dhismaha Masjidka ayaa qaatay ku dhawaad hal sano, illaa iyo si rasmi ah loo furay bilowgii bisha Ramadaan.

“Shaqaaluhu waxay bixiyaan $ 6 si ay u gaadhaan xaafado kale si ay u soo ogaan salaada jimcaha , sidaas darteed waxaan ogaaday in dhismaha masaajid u dhow ay ku farxi doonaan” ayuu yidhi ganacsadahani.

Ninkan Hindiga Saji Cheriyan, wuxuu u soo tacabiray UAE sannadkii 2003, halkaas oo uu la yimid lacag yar oo dhawr dollar ah, Muddo 15 sano ah ka dibna waxa uu abuuray shaqadiisa u gaar ka ah ilaa uu ka noqday nin hodan ah, Saji hantidiisu maanta waxa lagu sheegay in ka badan $ 18 milyan.

Ganacsadahan ayaa U Bixiyey Masjidkan uu disay Maryam, Umm Ciisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso