Gudaha Ka Eeg : Roobab Dabaylo Xoogan Watta Oo Caawa Ka Da’ay Deegaanka Aw Barkhadle Iyo Khasaaraha Ka Dhashay .

Waxaa caawa Deegaanka Aw Barkhadle Ee Bariga Magaalada Hargaysa ka da’ay roob watta dabaylo xooggan .

Waxaanay Roobabkaasi duufaanta wataa ay galaafteen oo ay burburiyeen Guryihii ku yaallay magaaladaasi, iyaddoo Dooxii waynaa ee magaaladuna uu qaatay gaadhi, wallow ay dadka deegaanku ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan laba nin ee saarnaa gaadhigaasi .

Ilaa hadda ma jiraan warar dheeraad ah oo intan ka faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay roobkaasi duufaanta wattay ee caawa ka da’ay deegaankaasi .

Mana jiro ilaa hadda khasaare nafeed oo roobabkaasi gaysteen, marka laga yimaado khasaare hantiyeed ee roobkaasi sababay .

Advertisement

Ku Xayeysiiso