Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ku baaqaysaa in la sii daayo 2 suxufi iyo dad mudaharaad loogu xidhay Sool iyo in xayiraadda laga qaado laba telefiishan


28kii May 2018 waxa lagu xidhay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool 57 qof oo ka qayb qaatay mudaharaad. Taliyaha Booliiska ee gobolka, Cabdirisaaq Maxamed Faarax, oo shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay inay ahaayeen ciyaal iyo dumar la soo marin habaabiyay oo dhagxaan tuurayay islamarkaan qas sameyey. Wuxuu xaqiijiyay in 75 qof la xidhay.

Masuuliyiinta gobolku waxaay ku sheegeen mudaharaadka mid aan sharci ahayn oo lagu khalkhal gelinayo amaanka.

Dhinaca kale laba suxufi ayaa lagu xidhay magaalada Laascaanood. Cabdiraxmaan Kayse Maxamed oo ka tirsan Bulsho TV waxa la xidhay 27 kii May. Maxamed Axmed Jaamac oo ka tirsan telefiishanka SBS waxa la xidhay 28 May. Cabdiraxmaan waxa lagu haystaa war uu ka soo diray Laascaanood. Warkaas oo ay dawladu u aragto inuu yahay mid lagu khalkhal gelinayo amaanka. Ma cadda sababta loo xidhay Maxamed waxa se la xidhay isla maalintii uu mudaharaadku ka dhacay Laascaanood.

29kii May 2018 Wasaaradda Warfaafintu waxaay soo saartay qoraal ay ku “mamnuucday inay ka hawlgalaan [Somaliland] laba Telefishan oo kala ah SBS iyo SOMNews.” Wasaaraddu waxaa amar ku siisay Booliiska “in la xidho dhammaan laamaha iyo xafiisyada SBS & SOMNEWS TV ee dhammaan gobollada dalka.” Qoraalka Wasaaraddu wuxuu sheegay in telefiishanadu “ay ku kaceen falal olole siyaasadeed iyo dagaal borobagaande cad oo ay ku hayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Maamulka mid ka mid ah telefiishanada la xayiray oo aan la hadalay wuxuu sheegay inay go’aanka ka maqleen uun warbaahinta oo aan hore wasaaraddu ula soo socodsiin cabasho laga qabo islamarkaana aan loo sheegin talaabooyin laga qaadayo.

23kii May gudi ka tirsan golayaasha qaranka oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxaay soo saareen go’aan ay ku mamnuucayaan shirarka jaraa’di iyo shirarka aan ogolaanshaha haysan in lagu qabto gobolka Sool.

15kii iyo 24kii May waxa isku dhacay ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Somalia ee Puntland.

Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa xorriyadda banaan baxa iyo warbaahinta. Qodobka 32(2) ee dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.”

Sidoo kale farqadda 3aad ee qodobka 32aad ee dastuurku wuxuu dhigayaa in “saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.”

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland:

1. Inay sii dayso labada suxufi ee xidhan ee kala ah Cabdiraxmaan Kayse Maxamed iyo Maxamed Axmed Jaamac;

2. Inay xayiraadda ka qaado telefiishanada SBS iyo SOMnews ayna wixii cabasho ee jira u marto hanaan sharci;

3. Inay sii dayso dadkii lagu qab qabtay mudaharaadkii ka dhacay Laascaanood 28 kii May; iyo

4. Inay ka noqoto go’aanka lagu mamnuucayo in shirar jaraa’id iyo shirar aam ogolaansho haysan lagu qabto Sool.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

Twitter: @GuleidJ

Advertisement

Ku Xayeysiiso