Ninka dunida ugu da’da weyn Oo doonayaa inuu Iska joojiyo cabista sigaarka


Freddy Bloom wuxuu inta badan ku qaatay noloshiisa oo dhan beerwale iyo dhismaha intii lagu jiray xukunkii midab kala sooca koofur Africa, waxaana lagu sheegi karaa inuu yahay ninka ugu da’da weyn adduunka.

Inkastoo uu joojiyay Cabida Khamriga sannado badan ka hor, se wali waxa uu cabaa sigaar-ka qaab nidaamsan.

“Maalin kasta waxaan cabaa laba xabo ama saddex xabo oo sigaar ah, rabitaanka cabdida sigaarku waa mid igu weyn waxaan idhaa mararka qaar waan joojin doono cabistiisa, laakiin waxaan ogay inaan been sheegayo, wuxuu baa laabta iga leh sigaarka qiiji waxaan qoomamaynayaa Shaydaanka waayo waa mid xoog weyn. “Ayuu yidhi.

Waxyaabaha ugu horeeya ee aad dareentid markaad la kulanto odaygan oo ka weyn boqol sano waa jidhkiisa oo dhisan Wuuna dheer yahay, waanu iska socda isaga oo aan ul taageerta sidan inkastoo talaabada uu gaabiyey. Ma qabo naafonimo marka laga reebo xaga maqal-ka oo hoos u dhacay.

Freddie, oo 114 jir ah, wuxuu dhashay 8-dii May 1904, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay kan ugu da’da weyn adduunka, inkastoo aan si rasmi ah loogu aqoonsan buugga diiwaanka Genius Book.

“Ma jiro wax qarsoodi ah,” ayuu yidhi, “Illaah waa kan kaliya ee awoodda leh, aniga ma lihi awooda arrinkayga, waana dhici karaa wakhti kasta, laakiin wuu i caawiyaa.

“Waxaan dareemayaa wanaag, qalbigaygu waa xoog badan yahay, kaliya Lugahaygu way daciifayaan, umana socdo sidii aan ahaan jiray.”

Xaaskiisa ayaa sheegtay inuusan cunin wax mucayin ah se uu jecel yahay inuu cuno hilib wakti kasta oo cunto, laakiin wuxuu cunaa khudaar badan.

Freddy weli waa uu awoodi karaa xidhashada dharkiisa, sida ay sheegtay xaaskiisu, laakiin waxay dhibaato ka haysataa xidasahda kabaha.

Freddy ayaa soo toosi jiray 4:30 subaxnimo markii uu shaqeynayay, laakiin hadda dib ayuu uga dhaca waktigaas. “Wax badan ma qaban karo, ma kori karo jaranjarada, waan iska fadhiistaa wakhtina uma hayo Daawashada Tvga ” ayuu yidhi.

Halkii aan ka daawan lahaa taleefishinka, waxaan jeclahay inaan ku fadhiisto Kursi guriga dibaddiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso