Wardegdeg ah: Ciidamada booliska ayaa nin rayid ah ku dhaawacay dusiga sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Wardegdeg ah: Ciidamada booliska ayaa nin rayid ah ku dhaawacay dusiga sare ee Maxamuud Axmed Cali kadib markii dhalinyaro kubad ku cayaaraysa garoonka kubada ee ku yaala dayrka dugsiga iyo boolisku ay isku dhaceen.

Raxan boolis ah ayaa u timid dhalinyarada waxaanay amreen in ay kala dareeraan kadibna dhalinyardii ayaa diiday waxaana dhashay is- afagaran waa.

Ciidamada Booliska ayaa xoog u adeegsaday kala dareerintooda halka rasaas noolna u adeegsadeen dadkii meesha joogay oo aanay u miidaan dayin taas oo sababtay in uu dhaawac soo gaadhay mid ka mid ah daawadayaashii kubadda ee kala taageeraayey kooxaha meesha ku cayaarayay.

Sidaasi waxaa ToggaHerer u sheegay goobjooge ka warbixinaayey siday wax u dhaceen iyo halka uu muranku ka bilaabmay.

Wixii warka ka soo cusboonaada isha ku hay Togaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso