Ex Wasiir Cali Mareexaan Ayaa Si Aadag U Naqdiyey Gardarada puntland Ay Qaranka Somaliland ku Soo Qaaday ,fartana ku fiiqay In Aan Xuduudaha Isticmaarkii Jeexay Aan La Badali Karin.

(Toggaherer)-Ex Wasiir Cali Mareexaan Ayaa Si Aadag U Naqdiyey Gardarada puntland Ay Qaranka Somaliland ku Soo Qaaday ,fartana ku fiiqay In Aan Xuduudaha Isticmaarkii Jeexay Aan La Badali Karin.

Wasiirkii Hore wasaarada howlaha Guud cali xasan Maxamed (Cali mareexaan ) ayaa ka hadlay Arrinta ka taagan Tukaraq ,puntlandna fariin u diray.

Cali Marexaan oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi :

(Marka ugu horeysa waxaan u arkaa in aan Bishaa ramadaan qof bani aadam ahoo muslim ahoo magac soomaaliyeed sitoo dagaal u baahan aanay jirin laakiin hadana  soomaalidu waxay tidhaahdaa sakaaradu saalo muuqata ayey aas aastaaye puntland markii ay guddida dagaalka magacaabaysay iyo markii ay dagaalka iclaaminaayeen iyo markii ay weerarada soo qaadayeenba iyo shalay oo u dambaysay ooay lahaayeen dagaalku wuu sii soconayaa intaba waa la arkaayey oo weerar ayey ahaayeen hadana iyago dafiraaya ayey aragnaa.

Markaa dagaalku xagga puntland ayuu ka socdaa o wax qarsoon ma aha qodobkalabaad oo aan anigu runtii aan layaabay waxa weeyaan waxay ka hadlaan markay baaqyada soo saarayaan waxay yidhaahdaan laascaanood waa la gumaystaa waana hadal laga xishoodooo dad waa weynoo masuuliyiin ahoo inta ay labaatan tvga isku soo tubaanoo ummad dhannoo leh puntland ayaanu masuul nahay .

Laascaanood way ogyihiin masuuliyiinta gobolka sool  joogta  haddi badhasaab tahay , haddii maayir tahay haddii taliye boolis tahay hadii masuuliyiinta gobolka tahay haddii waftiga tahay heer qarantahay dhammaantood waa reer laascaanood iyagaana guulaysta mana aha in si kasta la iskaga hadlo mida labaad baaqyada ay soo saarayaan reer laascaanood qofka Somaliland taageera waa latooganayaa .

Taariikh kala jirtoo reer puntland iyagaa sidaasi u fikiroo xaggan Somaliland waxaa ka jirtay doorashooin dimuqraadiyad ayaa ka jirta labadii kun iyo saddexdii ayey puntland soo weerartay laascaanood oo dadka shacabka ee ay arkaan way tooganjiren dadka ganacsatada ah umay tudhi jirin oo ay layn jireen baabuurna ay jiidhsiin jireen laascaanood gobolka la yidhaahdo dadkii reer laascaanood oo reer Somaliland ah baa jooga mudadii aan wasiirka ahaa dhowr iyo soddon wado ayaa hirgalay laascaanoodna horumar balaadhan ayaa khisan cisbitaaladii ayaa ka dhisan oo dhinac kastoo nolosha ah waxbaa laga qabtay horumarka imika ka socda laascaanood iyo dhismayaasha ka socda waa magaalooyinkaugu horumarkabalaadhan magaalooyinka Somaliland markaa puntland durbaanka yar ee ay soo qaraacayaan reer laascaanood ma rabaan puntland waeega oo dhammi aa gar jaban waxa ugu weyn ee ladha kiciyey waa cabdiwali gaas madxweynaha puntland oo raba kororsiimo doonaya iyo musharixiin ku shidaysa markaasi madax madax ayey isku soo qaadayaan oo waxaanan runtii puntland ,somalida kaleba iyo ummadda kaleba ugu baaqaynaa in aanay Somaliland dagaalka wadin inay jaarnimo doonayso in aanu doonayno ganacsiga oo isku socda in aanu doonayno in walaaltinimo iyo daris wanaag ku wado noolaano xuduudaha Africana waxaa dhigay isticmaarkii adunyaduna way isku yaacaysaa haddii la yidhaahdo uduudo kale ayaa la samaynayaa).

Advertisement

Ku Xayeysiiso