Dhismaha Golaha Shuurada ee Iiraan oo La Baneeyey sababo la xadhiidha shaki

Xukuumadda Iran ayaa banaysay dhismaha Majlis Shuuraa (Barlamaanka) subaxnimadii Saaka oo Salaasa ah ka dib markii Wax laga shakiyey laga helay meel u dhow.

Warbaahinta Iran ayaa werisay in ciidamada ammaanka ee baarlamanku ay xidheen dhismaha 8:30 saac ee Subaxnimo ka dib markii la helay boorso shaki leh oo hor taal albaabka Dhismaha Baarlamaanka, iyaga oo intaa ku daray in mas’uuliyiintu ayaa mar dambe xaqiijiyeen in aanay ku jirin waxyaalaha qaraxaa.

Markii la heley shandadan shakiga keentay ayaa markiiba la geliyey xaalad degdegga golaha waxaana laga xidhay wariyeyaasha iyo muwaadiniinta mudo saacad ah inay galaan.

Waxa jiray fadhi xubnaha goluhu ay lahaayeen markii la helay boorsada shakiga keentay ayna goobta xidheen Kooxda Ilaalinta Amniga ee Golaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso