Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 11aad

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 11aad

 

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

 

Haddaba halkan waxa aynnu wax yar ka tilmaami doonna Shuruudaha iyo Arkaanta Salaadda ee aynnu soo tilmaanay .

Shuruudda Salaadda waxa ka mid ah:

  • Muslim (gaalka salaadda waxa uga horraysa in uu Ilaahay SWT rumeeyo)
  • Dahaara-qab (haweenayduna ka dahaara qabto dhigga cadada, dhabar furanka iyo dhiigga dhalmada ka dambeeya)
  • Gaadhista wakhtiga salaadda
  • Miirqab
  • Qaan-gaadhnimo
  • Waysa-qabnimo
  • Jihaada oo aad u jedsato

 

 

Arkaanta Salaadda waxa ka mid ah:

  • Takbirta (in aad Salaadda Allaahu Akbar ku xidhato)
  • Akhrinta fataxada
  • Rukuucda iyo in aad ku xasisho
  • Ka soo toosidda rukuucda iyo in aad ku xasisho
  • Sujuudda iyo in aad ku xasisho
  • Marka aad ka soo toosdo sujuudda in aad ku xasisho
  • Fadhiga dambe .

 

Sida oo kale salaadaha; Jimcaha, Ciidda, qorrax ama dayax madoobaadka, roob-doonta, jinaasada, iyo musaafirku waxa ay leeyhiin qaab gooni ah oo loo tukado, qaabkaa oo ka sugnaday Rasuulka CSW in uu u tukaday.

 

Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

Diinta Islaamku waxa ay ka soo dhex baxday bulsho aan xaddaarad iyo ilbaxnimo lahayn, sida oo kale hab maamulkii jiray xilligaa aan la jaan hayn, wax soo saarkii dunida loogu kala gooshayeyna aan iyadu waxba ku darsan jirin, hase ahaate tokhoogu ahaa mid gidaar lala soo taagan yahay. Hab maamuskooda waxa u bud-dhig u ahaa tolnimada, ninkii laandheera ah uun baa magaalada sidu doono u dhex marayey wuxu doonana ka dhex samaynayey. Ninkii laga itaal roon yahayna wuxu ahaa mid dibinta uun iska ruuga oo aan wax kale samayn karayn.

 

Markii islaamku soo baxay ayaa dadki diintii u sinnaadeen, Rasuulka CSW waxa wada rumeyey haldoorkii Quraysh sida Abu Bakar iyo Cusmaan, sida oo kale waxa rumeeyey addoomo la lahaa sida Bilaal oo kale. Rasuulku CSW isku si uun buu ula dhaqmi jirin midna ma soo dhawaysan jirin midna ma fogayn jirin raggaa wada rumeyey.

 

Dad la dhaqankaasi wuxu horseed u noqday intii la liidi jiray inay gabood ka soo dhigtaan diinta oo ay ka helayeen sinnaan, taasana saldhig u ahayd inay hal daba la’ u soo galaan diinta qof kasta oo hoos loo eegi jiray ba.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso