TALO IYO WAANO KU SOCOTA DHALLINYARTA SOOMAALIYEED IYO CIDKASTOO TAHRIIB KU HAMMIYAYSA 

Arrintaa aynu halkaa ka arkaynaa waa wax uu la kulmidoono qofkasta oo dalkiisa aamini waaya oo dal shisheeyena u hanqal taagaa da’yartan maantu waxay sii guntadeen badankoodu naxdinta waalidkood oo markii horeba la daalaadhacaayay hugooda, hungurigooda, iyo hoygooda waxaanay waalidkood badaan inay u dawarsadaan, ama bani aadam u baryaan si ay magafaha ugasii daayaan xilligii uu waalidku nasiimo ka sugaayay ayuu rafaad horleh iyo naxdin ugu abaal gudaa waalidkii, inkaar ka wayn miyaad garanaysaan? Haddaba sideebuu qofkaasi mustaqbal wanaagsan u filankaraa haddii aanu ilaahay u naxariisanin? Haddaba dhallinyarooy iyo qofkasta oo dal shisheeye ku hamiyayoow waxaad ogaataa dhawrkan arrimood ee hoos ku xusan:-
1. Marka hore ma bannaana inaad balad gaalo u tahriib illaa saddex xaalo midkood mooyaane
     a) dacwad diimeed oo aad kasoo fidinaysid
     b) daawo inaad u raadsato
     c) cilmi aan laga helaynin wadamada islaamka inaad u raadsato
2. Waxaad u ordaysaa ee aad badaha u jiidhaysaa waa aduun iyo hanti/maal badan sidii aad u helilahayd hadaba waxaad ogaataa
     a) risiqaaga inta aad nooshahay haddii uu badanyahay, haddii uu dhexdhexaad yahay, iyo haddii uu yaryahayba waxaa ilaahay qoray adigoo uurka hooyadaa kujira 40 habeen ee adiga waxaa lagaa rabaa inaad  sababta uun la kaalaydo.
     b) ilaahay adiga wuxuu kugu waajibiyay cibaadadiisa isaguna swt wuxuu isku waajibiyay risiqaaga aduunkana meesha aad doonto joogoo intii uu ilaahay kaaga qoray risiqaaga ayuunbaad ka qaadaysaa ee marna wax aanu allaah kuu qorin iyo dheeraad ka qaadimaysid.
     c) aduunka oo dhan ilaahay kaligii ayuunbaa maamula meelkasta oo aad tagtona wuxuunbaad ka helaysaa wixii uu allaah kuu qoray ee qaddarka aamin.
3. intii aad naftaada u halligilahayd aduunyo darteed waxaa dhaanta inaad aakhiro dadaal iyo juhdi ku bixiso, hana dayicin cibaadada ilaahay, ilaahayna ku dayicimaayo adigana.
4. Waxaad ogaataa xuquuqda waalidkaa kugu leeyahay iyo inaad u gargaarto adigoo og inaanad gudikaraynin wax yar oo kamid ah xaqa ay kugu leeyihiin waayo jannada iyo cadaabta labadaba waxaad ka shaqaysankartaa waalidkaa ee ha dhibaataynin.
Waxaa qoraalkan igu kallifay video clip-ka halkaa lasoo dhigay ee muujinaya arrinta murugada iyo xanuunka badan ee lagula kacayo inankaa/wiilkaa yar ee tahriibay markii uu sida muuqata waalidkii ka bixinkariwaayay lacagtii magafuhu ka doonayayna la garaacayo si waalidkii loogu qasbo inay lacagta soo bixiyay waalidkaas oo ilaahay uun xaalkiisa ogyahay SUBXAANALLAAH SUBXAANALLAAH SUBXAANALLAAH.
Ilaahay sida xaqa ah hayna fahamsiiyo
Qore: maxamed jaamac xasan        Taariikh: 27/05/2018

Advertisement

Ku Xayeysiiso