Xukuumada Somaliland oo ka Hadashay Dagaalkii ay saaka ku Soo Qaadeen Maleeshiyaadka Puntland Saddex Meelood ayay soo weerereen sadexdiiba waa lagu jabiyay

Dagaal saaka Waabarigii ay ku soo Qaadeen Maleeshiyaadka Puntland Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Aaga Hore ayaa waxa ka hadlay Xukuumada Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukumadda Mudane Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo ka hadlay Dagaalka ayaa sheegay in Saaka Abaaro lixdii Aroornimo ay ciidammada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidammada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, Marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan .

Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’idaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawlada Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen inay Ciidamada Puntland saddex meelood weerar kaga soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland ayuu yidhi Wasiir Barwaaqo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso