Maxaad ka Ogtahay Xil Gudasho La’aanta Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Burco Cismaan Maxamed Shiikh Cismaan iyo Musuq Maasaqa Dulhoganaaya

Maxaad ka Ogtahay Xil Gudasho La’aanta Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Burco Cismaan Maxamed Shiikh Cismaan iyo Musuq Maasaqa Dulhoganaaya

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Burco Cisman Maxamed Shiikh Cismaan Nuur waxa uu kursiga Xoghayaha Degmada Burco ahaa mudo ku dhaw Lix sanno,waxaana intii uu cisman Si rasmi ah ula shaqayeeyey golaha deegaanka burco ee hadda jooga ee maxamed muraad maayirka u yahay,tan iyo waqtigaas waxa uu noqday gacan u shaqaysay Maayir maxamed muraad isaga guud ahaanba meesha ka saaray masuuliyadiisii iyo awoodii uu lahaa oo uu ka faa’iidaystay Maayirka magaalada Burco.

Waxa meesha ka baxday awoodii Dawlada dhexe u igmatay Cismaan maxamed shiikh oo isagu ismooday inuu ka mid yahay Xildhibaanada golaha deegaanka waxaanu xiliyada khilaafku soo kala dhex galo golaha uu noqdaa mid la safta maayirka iyo inta la socota,

waxaa ugu danbaysay Shirki Jaraiid lagu magaayay Dawlada Dheexe oo isagu ka tirsan yahay oo ka dheex muqday.waxa uu u dhego nugul yahay amarada maayirka ma ilaaliyo saxeexa lacagaha ka baxay qasnada Dawlada Hoose .

Xoghayaha Dawlada hoose waa xubin dawlada dhexe u fadhida dawlada Hoose taasi oo isha ku haysa qaabka maayirka wax u wado laakiin wadadaa ma marin cismaan ee waxa uu maayirka burco kula heshiiyey inay Fududaystaan Hantida ummada. fashilada waaweyn ee dul hoganaya xoghayaha dawlada hoose ee burco ayaa ah inaanu si rasmi ah u gudan waajibkiisa isaga oo shaqadiisa kaga mashquulay inuu garab u noqdo maayir muraad oo ay ka dhaxayso xidhiidh qaraabo.

Guud ahaan dawlada hoose ayaa ku fashilintay Xuska munaasibadii 18 ka may ee la xusay shacabka reer burco kamay muuqan abaabul iyo juhdi la geliyey waxaanay dadkii isku soo baxay ahaayeen kuwo intooda badan aan wadanin astaanka qaranka Calanka,iyada oo ay shaqaalaha dawlada hoose ee u soo baxay munasibadaasi ahaayeen iyaguna kuwo ay ka muuqatay habcsanaan Diyaar garaw la’aan iyo abaabulkii laga sugaayey inay ka dhexmuuqdaan Munasibada Xuska 18 ka may.

Xoghaye Cismaan Mudadii uu xilkaasi hayey waxa dhawr jeer la bedelay Xoghayaasha Degmooyinka waaweyn ee somaliland balse ilaa hadda waxay bulshada reer burco dhawraysaa sababta ay xukuumadu u daynayso Cisman maxamed shiikh Cisman Nuur iyaga oo sugaya talaabo ay ka qaado xukumadan cusub ee Somaliland.

Suxufi Mawlid Cismaan Dahir
Burco/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso